Waxaa habeen hore (Jimco) lasoo bandhigay xalqada 39-aad ee taxanaha Hercai iyadoo turki ahaan ah qofkii rabana kanaalka youtube-ka ee “Hercai” ayuu ka daawan karaa balse afsomali ahaan waxaa la filaa goordhow  in lasoo turjumo.

Taxana markii la joojinaayey waxuu joogay Caziiza oo qasriga reer Shadalogu joogto xiligaasna waxaa loo sheegay geerida Elif iyo inee isdishay waxayna meesha u joogtay inee Hazar ama Azaat disho maadama Miran ogeysiiyay iyada inuu aargoosiga ka baxay.

Hadaba xalqadan oo aad u xiiso badan dhacdooyinkeeda hoos kaga bogo iyo sida ay ku bilaawaneyso.

1-Miiraan iyo Reyaan ayaa ku heshiinayaan inee ka fogaadaan labada qoys meel gooni ahna degaan nolol cusubna bilaawan hadaba arinkaas waxay ogeysiinayaan reer Shadalogu oo iyagana ka aqbali doonaan.

2-Caziiza waxay dul joogtaa qabriga Elif waxay ciidankeeda ku amre inee bedelaan qabriga Elif meedkana meesha kasoo saaran kadib Caziiza oo dhaaraneyso inee reer Shadalogu dhamaan dili doonto ayaa walaashed Xaniifa soo wici doonto una sheegeyso hadalkii Miran reer Shadalogu useegay ee ahaa aniga iyo Reyan wan baxeena.

3-Caziiza waxay tuulada udiree Asmaa, Suldana iyo Gonul waayo dagaal weyn inee qaado ayee rabtaa markaan kadib waxay balaminee Azat, Mira iyo Reyan midba goonidiisa ayee ugu wacee.

4-Waxaa soo baxaayo nin la dhaho Aslan Aslanbey waana wiilkii Suldana kaaso aargoosi doonayo waxuuna wacad ku maraa wax walba si cadaalad iyo aargoosi kudheehan inee u dhici doonaan.

5-Miiran ayaa ogaanayo in qabriga Elif la bedelay meedkana meesha ku jirin si toos ah ayuu usoo aadi doonaa meesha balanta Caziiza ayaana Miiran labo arin u bandhigeyso ama inuu Azat dilo ama in iyada Caziiza ah meesha ku dili doonto isaga Miraan ah iyo Azat labadoodaba xili Reyan dusha sare ka arkeyos gaari ayeena ku dhex jirtaa waana loo diiday inee banaan usoo baxdo.

6-Miiran si uu naftiisa iyo tan Azat ba u bad baadiyo waxuu ku qasbanaana inuu garabka xabad ku dhufto Azat xili Reyan qeylo ku waalan doonto kadib Caziiza goobta ayee kasoo wadi doontaa Miran waayo hadafkeeda wey gaartay Miran iyo Reyan na wey isku dirtay.

7-Wiilkii Aslan ahaa ayaa meesha imaan doono waxuuna bad baadina Azat oo uu xabada ka saara waana nin awood leh lacagna leh qolkiisa waxaa darbiyadiisa kudhegen sawirada Reyan sido kale garabkiisa midigna waxaa ku shabadeysan dib-qalooc ama han-qaraarac waana nin u muuqdo inuu Reyan doonayo.

8-Miran iyo Furat aya mesha kuso noqonayaan si ay Azat u bad baadiyaan balse maba joogo dhanka kale reer Shadalogu waxaa loo sheegay in Azat la toogtay si toos ah ayeena qasriga reer Aslanbey u imaan doonaan.

9-Handan ayaa suuxeyso goordhow ayeena dhashay gabar 40-maalmood jirta hadaba Caziiza wey is diyaarisay dhimasho ayeena isku diyaarisay iyadoo aaminsan inee aargoosatay dagaal iyo buuqna dhamaaday waxaa u imaan doonaan Miran, Furat, Suldana, Gonul, Asmaa, Nasuh, Jihaan, Hazar, Reyan iyo Harun dhamaan dadka wey soo buux dhaafin doonaa qasriga reer Aslanbey.

10-Nasuh iyo Jihaan ayaa wiilkooda Azat baadi goobayaan hub ayeena u hayaan Miran xili Reyan goobta joogto Miran waxuu ku hadlo maleh talo ayaa kucad waxaa si lama filaan usoo gali doono Aslan Aslanbey oo dhihi doono aniga ayaa toogtay Azat dadkii oodhan wey wada nixi doonaan kadibna Miran oo yaaban ayaa dhihi doono yaa tahay adiga.

11- Waxaan ahay Aslan ayuu ku jawaabi doonaa balse Caziiza naxdintii aduunka ayaa qabsaneyso waxayna dhahee wiilka ayeeyda u ahaa Aslan ma adigaa dadkana ma maqlayaa markee saas leedahay ayadoo lawada yaaban yahay dhamaad xalqada halkaas ayee ku dhamaaneysaa la soco goos gooska xalqada 40-aad sharaxaadiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here