Inaba caadi ma ahen xalqadii 39-aad ee laga soo bandhigay taxanaha Hercai jimcihii hadaba ayadoo xalqada lasii macaansanaayey ayaaba hadana lasoo bandhigay goos gooska xalqada 40aad oo holac-holac dhaafay ah.

Dhacdooyinka goos gooskan fadlan hoos kaga bogo adaa ka heli doono waxaadna dharari doontaa inta jimcaha laga gaarayo iyo xalqada cusub:

Goos Gooska waxuu ka bilaawana Azat oo leh “xabada waxaa igu dhuftay Aslan (Suldana wiilkeeda) isla isaga ayaana I bad baadiyay oo xabada iga saaray sidaa aawged Azat ma dhiman balse waa dhaawac.

Muuqaalka xiga waxaa nala tusaa Reyan oo Miran furiin ka dalbaneyso maadama ay indhaheeda ku aragtay isagoo xabad Azat kudhuftay sido kalena waxay usheege hadii uu qoyskeeda nabad gelin waayo in iyada iyo isaga markaan noqon doonto oo dagaal is wajihi doonaan.

Miran ayaa Reyan dejinaayo una sheegayo hadii uusan Azat dhaawaici laheen ay Caziiza labadoodaba dili laheed micnaha Caziiza ayaa biskoolad labaad Miran u heysatay hadusa toogan laheen Azat-na isaga iyo Azat ba si run ah ayaa loo dili lahaa hadaba Reyan ayaa la heshiineyso Miran.

Muuqaalka xiga waa reer Shadalogu oo u yeeren Aslan Aslanbey si ay u ogaadan qofka uu yahay iyo meeshu ka yimid dhanka kalena Caziza ayaa si lama filaan ah ku tagi doonto guriga Aslan degenaa isagoo nixi doono markuu arko.

Miran wuu careysanyahay waxuuna rabaaa inuu ogaado qofka uu yahay ninkaan Aslan ah sidaa aawged isaga iyo Furat wey baadi goobi doonaan ilaa marka dambe ay ka helaan gurigiisa Miran ayaana xoog ku geli doono guriga Aslan xili Aslan ka sheekeynaayey awooda Miran leeyahay iyo sida uu halis u yahay.

Miran ayaa wajihi doono Aslan waxuuna leeyahay isagoo careysan misane la hadlaayo Aslan,”ujeedkaada maxuu yahay maxaase damacsantahay mise inaan qoorta kaa jabiyo ayaad rabtaa”

Dhamaad goos gooska halkaas ayuu ku dhamaanaya waana goos gooska kowaad ee xalqada 40aad laga soo bandhigay inaba caadi ma ahan Miran Iyo Aslan ayaa iska hor imaadeen muhiimka ugu weyn ee isku heysan doonaan inta taxanaha kadhiman oodhana waa Reyan ileen ninkaan Reyan ayuu usocdaa sida muuqata balse waan arki doonaa hadi wax kale jiraan balse aargoosina inuu rabo wey cadahay oo Caziiza ciil uqabo.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here