Kulanti wacan asaxaabta qiimaha badan kusoo dhowaada macluumaad cusub oo aan kasoo helnay taxanaha aad wada jeceshihiis ee Hercai (Ubax) waqtiga la daawanaayo oo rasmi ah, Reyyan dhaawaca soogaaray iyo macluumaad kale hoos kaga bogo:

1-Reyyan dhaawac ayaa soo gaaray misane run ah:

Xalqadii 3-aad ee taxanaha Hercai markii la duubaayey si gaar ahaan marka Reyyan gubeyso gurigii iyada iyo Miiraan ku aqal galeen habeenkii kowaad ee arooska waana habeenkii uu qiyaanah subaxeediina meesha cidlada kaga tagaayey hadaba muuqaalkaas dabka la shidaayo run ayuu ahaa Reyyan na dhaawac yar ayaa kasoo gaaray dabkaas oo halis ayeeba ku sigatay dad badanse arinkaan horey uma ogeyn.

2-Ciidul Adhxa kadib Hercai waa la daawanaa:

Sida laga soo xigtay kooxda Hercai iyo gabadha qarash garaneyso taxana ee Banu waxaa cadaatay in taxanaha duubistiisa bilaawan doonto ciidul Adhaxa ama ciid weyney markee dhamaato seddex todobaad kadib sikale hadaan u fasirno waxay noqonee ciida waxay ku beegantahay dhamaadka July ilaa bilawga bisha August.

Hadaba ciida markee dhamaato seddex todobaad hadii lasii tirsado waxay ku beegnaane dhamaadka August sidaa aawged todobaadka u dambeya bisha August duubista Hercai ayaa bilaawan doonto halka todobaadka kowaad ee bisha September la daawan doono xalqada Hercai ayadoo Season 3 ah.

3-Waxyaabaha ugu xiisaha badan ee aan ku arkeyno Season 3 misane la hubo:

-inee Reyyan uur qaadi doonto waa la hubaa.

-Miiran iyo Reyyan oo faqiir ah ama guri aysan laheyn ku noolaan doonaan iyo nolol hoose waana la hubaa arinkaas.

-Waxa ku kalifay Caziiza ine dhibto reer Shadalogu ama aargoosiga ay sheegato sababta ka dambeysa oo la ogaan doono waana la hubaa.

-Azat oo jeclaanayo gabar aan Reyyan ahen lkn lama hubo inee noqon doonto Gonul Aslanbey ama gabar kale oo taxanaha soo gali doonto balse waxaa la hubaa in Azat gabar aan Reyyan ahen jaceyl u qaadi doono Season 3.

-Dad cusub oo taxanaha soo gali doonaan waana la hubaa in doorar cusub iyo dad cusub season 3 lagu arki doono qiyaas ahaan dadkaas waxaa kamid noqon karaan Dilshaah, Reyyan aabahed, Caziiza dad xidid la ah iyo kuwa kale.

Waxyaabaha aan qiyaasnay ine dhacaan lama huraankana ah:

Miiran oo ogaanayo in Hazar aabihiis yahay.

Dilshaah oo soo baxeyso (maadama dhimashadeeda 100% la cadeynin).

Caziiza qaraabadeeda oo la heli doono Reyyan aabahed oo la arki doono Qaabkii gurigii beerta dabka oga kacay iyo jaceylka Nasuh iyo Caziiza oo xusuus ahaan nalooga sheekeyn doonno.

Yaren oo shar weyn la imaan doonto si ay u aargoosato maafsma Harun qasab loogu daray gurigana laga ceyriyay.

Inta dambe waa qiyaasteena iyo sidaan u maleynay balse inta hore oodhan waa hubaal la xaqiijiyay.

Mahadsanidiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here