Waxaan falanqeyneynaa dhacdooyinka xalqada 10-aad turki ahaan taxaanha Sen Cal Kapimi ama Adiga Garaacaya Albaabka Qalbigeyga waana xalqadii todobaadkii hore lasoo bandhigay balse dadka af-somali ahaan ula socdaan ma aysan gaarin xalqadan waana mid aad uxiiso badan arbacadana xalqada 11-aad ayaaba la sugayaa.

Dhacdooyinka xalqadan ugu xiisaha badan waxay yihiin:

Saliina iyo saaxiibked Ferit waxay ku dhawaaqayaan inee is guursan doonaan midaasna waxaa ka maseeri doono ninkii Serkan ahaay xili Eda u jeedo waxuuna go’aansanaa si walba uu arooskan ku joojin lahaa inuu qorshaheeda bilaawo.

Serkan hooyadiis iyo Eda ayaa iskudayi doonaan inee Saliina go’aankeeda bedelaan iyagoo ka dhaadhicinayaan in Serkan iyada Saliina ah jecel yahay

Engin oo ah Serkan saaxiibkiisa waxuu ku wareersan yahay miduu dooran lahaa labada gabdho ee isaga rabaan mana yaqaano habka dumarka loola haasaawo waxuuna la tashana saxiibkiis Serkan xili Serkan ku kacsantahay oo isagaba ku wareersan miduu dooran lahaa Eda mise Saliina.

Engin waxuu ogaana kunturaada Serkan iyo Eda sido kalena faraanti geliskana been yahay hadaba saaxiibkiis ayuu ku qabsana xili Serkan qiran doono waana run dhihi doono waxuuna Engin dhihi doonaa saxib adiga Eda ayaad jeceshahay waadna qarsaneeysaa jaceylkaada.

Serkan iyo Eda isfaham dari ayaa dhex taalo ayagoo is jecel hadana iskuma sheegan karaan waayo Eda waxay umaleysaa in Serkan jecel yahay Saliina halka Serkan umaleeyo in Eda wajigiisa nacday.

Eda ayaa aroos been ah ku dhawaaqi doonto iyo inee guursan doonto Serkan si ay Saliina oga maseersiiso balse Maleka ayaa maqleyso xaafadiina gaarsiineyso hadaba Eda iyo Serkan heshiiskooda waxaa kadhiman hal todobaad kadib maadama Saliina arooskeeda dhacaayo.

Eda waxay go’aansanee inee isku keento Serkan iyo Saliina xili guriga beerta kuwada balamineyso Ferit-na wuu la jiraa waxaana fursad isku heli doonaa Serkan iyo Saliina oo wada sheekeysan doonaan.

Saliina ayaa Serkan ku dhaheys,”hadii aad I jeceshahay misane aad dooneyso inaan is guursano iisheeg waa balan xiriirka Ferit waan u jarayaa isla hada adiga ayaana ku soo raacaya Serkanow.”

Hadalkaas waxaa maqli doonto Eda oo ka murugoneysa waxaad moodaa in Serkan jawaabtiisa ay ogtahay oo kale xili Serkan uu la yaaban yahay murugada wajiga Eda dhamaad xalqada halkaas ayee ku dhamaaneysaa.

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here