Waxaa arbaco oo habeen khamiis soo galeyso lasoo bandhigay xalqada 11-aad ee taxanaha Sen Cal Kapimi inaba caadi ma ahen waxaa lagu arkay dhacdooyin xiiso leh iyo Serka oo ugu dambeyn jaceylkiisa sheegtay hadaba dhacdooyinka xalqadan hoos kaga bogo:

Xalqada waxay ka bilaawaneysaa Saliina oo Serkan ubandhigeyso inee xiriir sameystaan iyadana ay Ferit kasoo tagi doonto xili Eda ay maqleyso hadaba Eda ayaa soo dhex galeyso xili Ferit meesha imaan doono sheekadii Serkan iyo Saliina halkaas ayee ku joogsanee waxayna sugee Saliina jawaabta Serkan.

Serkan iyo Eda wey kala tagi rabaan maadama heshiiskooda halkaas ku dhamaaday balse Serkan wuu jecel yahay Eda waxuuna go’aansana inuu celiyo oo uu jaceylkiisa usheegto.

Eda eedadeed ayaa ogaaneyso warqada heshiiska Serkan iyo Eda waxayna gabadheeda usoo dhameen doontaa waxbarasho lacag la’aan ah oo Italy ay safar ugu aadeyso maadama heshiiskan waxbarashadeeda aawged ay u aqbashay.

Eda mar waxay iska dhaadhicinee inuu Serkan iyada jecel yahay balse waxay shakigaas iska saaree markee maqasho in Serkan iyo Saliina safar London ah goordhow u amba bixi doonaan halkaase maseer ka bilaawi doontaa iyo inee iyadana Safar Italy ah aado maadama markii hore rajo yar kujirtay iyo inee Serkan ka tagin.

Serkan markuu maqlo bixitaanka Eda wuu xanuunsan doonaa jaceyl aawgiis waxuuna go’aansanaa inuu celiyo isagoo ka daba tagi doono xili ay eelaboorka usocotay wuuna celi doonaa balse Eda wey diideysaa.

Waxay leedahay isheeg sabab aan ku joogo ileen jaceylkeeda Saliina waad heshay heshiiskeenana wuu dhamaada waqtigiisa ee maxaan ku joogaa iisheeg markaas ayuu dhihi doonaa si xad dhaaf ah ayaan kuu jeclahay.

Isagoo waliba wadada dhexdeeda ku shuminaayo dhamaad xalqada halkaas ayee kudhamaan doontaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here