Taxanaha Hercai waa mid kamid ah taxanayaasha caalamka ugu caansan waqtigaan waxuu kulansaday arimo badan sida inuu yahay mid ka hadlaayo arimaha qoyska, waa jaceyl iyo taariikh hore sido kale waa mid qiyaano iyo aargoosi lagu soo bandhigaayo taxanahan oo sheekadiisa buug ku qorantahay ayaa si weyn loo soo dhaweeyay.

Hadaba sheekada aan maanta idiin heyno waxay tahay in wiilal iyo gabdho Soomaaliyeen uu jaceyl dhab ah kudhacay kadib markee daawadeen taxanaha Hercai, dabagal badan aan sameeyney iyo dad badan oo qirteen waxaan ogaanay inuu arinkaan xaqiiq yahay.

Wiil Soomaali ah waxuu yiri isagoo  baraha bulshada kaga hadlaayo arinkaan,”Markaan daawaday Hercai waxaan dareemay jaceylka dhabta ah qof aan awalkii hore dareemi jirin inaan jeclaa ayaan dareemay inaan dhab u jeclahay run ahaantii waa taxane nolosheyda kuweyn.”

Gabar kale ayaa tiri iyadana in Hercai kusoo xusuusato jaceylkeeda hore balse ay kasabirtay kadib markee heli weysay taxanahan ayaa dhalinyarada dhexdooda aad ugu faafay waana qiso jaceyl oo hore misane dhab u dhacday balse filim laga sameeyay.

Gabar Soomaali ah ayaa sheegtay in sida Reyyan oo kale aabahed umaleyn jirtay ninka hooyaded qabay gadaal dambena ka ogaatay waxay kaloo sheegtay in taxanaha Hercai iyo nolosheeda dhabta ah meelo badan iska shabahaan.

Isagoo meel fiican maraayo ayaa la joojiyay sabab la xariirta inuu dunida ku faafay caabuqa Coronavirus hader wuu soo noqday taxanha waxaana horey loo daawaday labadiisa qeybood ee kala ahaayen Season 1 iyo Season 2 iskudarka labada qeyboodna waxay ahaayen 38-xalqo haderna waxaa duubis ku socoto xalqadii 39-aad oo ah Season 3 ama qeybta 3-aad Hercai ahna qeybta ugu dambeysa filimka oodhan.

Taxanahan oo Soomaalida u taqaano Boholyow iyo barisamaad caashaq waxaa la filaa in la daawado inta udhaxeysa 4 September ilaa 12 September ee bisha nagusoo food leh ah inta ka horeysana howshiisa ayaa socoto si weyn ayaana loo wada sugayaa..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here