Waxaa shalay lasoo bandhigay goos gooska xalqada 28-aad ee taxanaha Hercai kaaso ahaa goos goos inaba aan caadi aheyn xiisahiisana wata waxaana lagu arkay dhacdooyin kugu kalifayaan inaad sugi weydo inta xalqada dhameestiran laga soo bandhigaayo.

Goos gooska waxuu ku bilaawana Eliif oo Miiraan iyo Caziiza kuleh farxadeyda ha iga hor istaagina oo ay ula jeedo guurka Azaad aan guursaday waan kufaraxsanahay ee sideyda iidhaafa kadib Miiraan wuu xanaaqa waxuuna meesha kasoo wadaa ayeeydiis Caziiza waliba iyadoo diidan ayuu qasab kusoo wadaa oo uu ku leeyahay naga wad ayeeyo waa baxeena.

Caziiza iyo Eliif si qiiro leh ayee isku eegayaan markee Caziiza sii baxeyso, guriga markii la tago Caziiza Miiraan ayee furka kutuure waxayna ku qabsane sababta uu Eliif qasrigaas oga sootagay balse Sultana ayaa soo boodeyso oo dhaheyso Reyyan ayaa ka dambeyso guurka Eliif iyo Azaad kadibna Miiraan ayaa aamusiinaayo Sultana.

Waxaa lagu tusaa Oday Nasuh oo wiilku awoowga u yahay ee Azaad ugu faanayo qaabka uu Eliif usoo guursaday iyo inee tahay aargoosi uu ka aargosanaayo reer Aslanbey balse Azaad ayaa awoowgii usheegayo in Eliif aargoosi aheyn ee uu jaceyl usoo guursaday xaaskiisana tahay Caziiza ayaa bilaaweyso ine Miiraan boogtiiso danqiso ayadoo soo xusuusineyso hooyadiis Dilshaah.

Kadib Miiraan oo careysan ayaa wacad ku maraayo inuu Elif guriga kusoo celinaayo waxaa lagu tusaa Miiraan iyo Furaat oo soo weerarayaan Azaad xili biskoolado ay ku qabanayaan balse Azaad dhankiisa waa is difaaca oo biskoolad ayuu asna lasoo baxaa asoo ku qeylinaayo hadalka ah qona xaaskeyga halkaan kama kaxeyn karo.

Waxaa meesha joogaan Caziiza, Reyyan iyo Elifi kadib Elif oo ayeeyded Caziiza lahadleyso ayaa dhaheyso “ayeeyo aargoosigii iyo cuqdadii labada qoys halkaas kudhamee oo jooji dagaalkan, Caziiza aad ayee u murugoonee kadib waxaa lagu tusaa Reyyan oo isku dayeso inee Miiraan dajiso ayadoo ka dhaadhicineyso in Azaad iyo Eliif si dhab ah isku jecel yihiin jaceylkoodana wax walba bedeli karo xitaa macquul tahay labada qoys inee heshiyaan balse Miiraan sheekadaas kuma socoto.

Kadib waxaa lagu tusaa Miiraan, Reyyan, Eliif iyo Azaad oo isla joogaan hal gurina kuwada jiraan balse guriga ayaa dab qabsanaayo waxayna u badantahay in Caziiza soo weerartay oo ay ka dambeyso sababto ah codkeeda ayaa la maqlaa ayadoo leh gabadhaa ayeeyda u ahay waxaa gurigan loo soo gurina markaa aniga geeriyoodo intaan noolahay marnaba ma dhaceyso ayee leedahay Caziizo.

Dabkii waxaa la bad baadayaan Azaad, Eliif iyo Miiraan balse Reyyan istaaga ayee kadhace meesha ayeena kudhace lamana oga dhaawaca soo gaaray iyo waxee noqon doonto xili Miiraan uu la xarbinaayo siduu dabka ku damin lahaa albaabla xirmayna ku jabin lahaa waana meesha Reyyan kujirtay.

Kadib waxaa lagu tusaa Reyyan oo dhulka taalo xili Miiraan naxsan yahay isagoo cod dheer uleh Reyyaan Reyyaan halkaas ayuuna ku dhamaana goos gooska.

Inaba caadi ma ahan goos gooska laga soo bandhigay xalqada 28-aad waa mid cajiib ah goordhow lasoco taxliisha goos gooskan iyo waxa laga filan karo xalqada 28-aad….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here