Kulanti wacan asaxaabta kusoo dhowaada xalqadii 36-aad ee taxanaha Hercai oo sabti lasoo bandhigay balse anaga maanta ayaa idiin ka wadaageena maadama shalay cilad Internet la’aan ay jirtay.

Xalqada waxay ka bilaawane meeshe kudhamaatay tii hore waana xalqo qiiro badan oo dhacdooyin xiiso leh ku arki doonto hoos kaga bogo falanqeynta iyo dhacdooyinka xalqadan.

Reyyan waxay ogaatay in Hazar aabahed dhabta ahen sidaa aawged wey iska baxee ayadoo ayeeyo Shakraan gurigeeda aadeyso laakiin Miiran iyo Hazar ayaa ka daba tagayaan weyna ka diide hadal oodhan waxayna aabahed ku qabsane sababto runta uu oga qariyay ilaa yaraanted.

Reyyan waxay goobta ka sheege in Miiran asna silciyay maalintii uu guursaday maalinti ku xigtay isagoo ka aargostay wixii Hazar ku sameeyay dilshaah ileen waa side Caziiza ka dhaadhicise waxay sheegtay inuu ku xad gudbay dharkeedana ka jeex jeexay meel cidlana kaalga tagay waxay kaloo sheege in Suldana iyo gabadheeda Gonul dhibeen heer ay dili lahaayen ayeeyo Shakraan ayaana arinkaa la yaabeyso.

Nasuh ayaa Yaren xiraayo meel duur ayuuna kaga soo taga balse Harun ayaa Yaren meesha ku booqanaayo waxuuna kala dooransiina in ay meesha kujirto ama arooskiisa ogolaato si uu meesha kaga saaro kana soo fikir ayuu dhahaa.

Gonul Aslanbey shaki ayaa kujiro in walaalked dhabta ah Furat yahay iyo inkale waxayna ku shakine inuusan ahen balse god ayee qodee misane ka hele sanduuq yar oo warqad kujirto kuna qoron in walaalked nool yahay.

Gabadhii yared ee Gol ahed ayaa kasoo baxsaneysa gurigooda ayadoo baadi goobeysa hooyaded Zahra balse Caziiza ayaa gacanta ku dhigeysa xili aabahed Hazar iyo reerko dhan dad waalan ookale magaalka ka baadi goobi doonaa ln mardambe ayeena Caziiza Miiran soo wace una sheege ine Reer Shadalogu so doontaan gabadhooda weyna kasoo wadanayaan gabadhooda halkaas xili Miiran uu la jiro Hazar iyo Nasuh.

Miiran markuu ogaado in Reyyan aabahed uusan ahen Hazar waxuu biskoolad ku qaban doonaa Caziiza isagoo weydiinaayo in arinkaan ay horey u oged iyi inkale balse Caziiza horey uma ogen ayee dhahee dhanka kale Reyyan warqad ayee hooyaded u qoree waxayna usheege ine wax walbo ogaatay iyi inuusan Hazar aabahed ahen go’aana ku gaartay inee duurka gasho noloshoodana ka fogaato.

Reyyan ayaa imaaneyso qasriga reer Shadalogu dhamaan ayeena isugu yeere side uwada dhan yihiin Miiran na meesha ayuu joogaa qofwalba qaladkii uu ka galay ayee usheege xili Nasuh ay dhihi doonto awoowe riyadeyda ayaad bur burisay oo waxbarashadeyda ayaad hakad galisay. Laakiin Reyyan eeda ugu weyn Hazar ayee siine oo waxay dhahee adiga waxaad iga qarisay inaadan aabahy dhabta ahen sidaa aawged waxaan go’aansaday inaan idinka fogaafo weyna baxee Reyyan waa muuqaalka ugu qiiraha badan.

Miiraan indhihiisa ilmo ayaa buux dhaafin doonaa siduu u ooynaayo Reyyan na wey ka tagee iyadoo hadal dhan ka diideyso dhamaad xalqada halkaas ayee kudhamaane qof walba oo muuqaalka dhamaadka daawadana hubaal ahaan wuu ilmeyn doonaa..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here