Qosol badanaa; Maradona oo sheegay in hada kahor Jaaduu afduubteen.

0
1174

Diego Maradona waa mucjisadii khadka dhexe ee qaranka Argentina kaasoo cayaaraha isaga fariistay sanadkii 1997dii waana mid kamid ah laacibiintii ugu waaweyneyd abid kubadda cagta soo martay ayadoo waliba dadka qaar u tix galiyaan kii koowaad.

Hadaba Maradona ayaa wax laga weydiiyay hadii uu aaminsanyahay iney jiraan noolayaal duni kale ku nool asigoo u waramayay majalada Tyc Sports ee Argentina laga leeyahay wuxuuna ku jawaabay; “Hada kahor kadib marjkii aan cabay xoogaa khamro ah waxaan kamid noqday dadka laweysanaa anoona guriga ka maqnaa mudo 3 maalmood”.

Maradona oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay in noolayaal kale ay kaxeysteen isla markaasna wateen intaas kabadana uusan dadka u sheegi Karin.

Hadalka Maradona ayaa noqon doono mid layaab leh kaasoo noociisa horay loo maqlin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here