Tiger Shroff walaashiis Krishna Shroff uma muuqato qof in badan ka taxadareysa inuu kudhaco caabuqa Coronavirus ee halista ah dhowr arimood ee ay sameysay aawgoodna waxaa halis kujiraan hader dhamaan qoyska reer Shroff oodhan.

Krishna Shroff oo ah gabadha ay dhaleen Jackie Shroff iyo Ayesha Shroff ayaa dib ugu soo noqotay Mumbai maalmo kahor ayadoo katimid Mizoram safarkaas kahorna waxay booqatay Australia iyo Dubai waaba gabar safar badan misane wadamo badan iska booqaneysa.

Krishna waxay sheegtay ineysan ka cabsi qabin caabuqa Coronavirus taasi bedelkeedna waxay la yaabtay dadka waji-xirka sameysteen ee afka duubteen si ay caabuqa isaga difaacan marke Mumbai Airport timid ayeena la yaabtay dadka.

Waxay tiri iyadoo hadleysa,”waxaan la yaabay dadka afka duubteen misane gacma gashiga xiran ee caabuqa siweyn kaga cabsi qaba halka kuwa kalena ay heegan u yihiin sidee u baari lahaayen dadka safarka ka imaaday aniga ahaan kama cabsi qabo caabuqan halista lagu sheegay laakiin is dhexgalka dadka unba xoogaa iska yareyay.”

“Balse waxyaabahan dadka is ticmaalaan oo ay naftooda ku dhibayaan marnaba ma isticmaalo waaba cabsi saaid ah iyo nolol walwal ka muuqdo mana loo baahno midaas” Krishna ayaa ka dhawaajisay ineysan difaac culus ka galin caabuqan taasina waxay ka dhigantahay Tiger Shroff iyo dhamaan qoyska inee halis kujiraan waxaana haboon inee gabadhaan karantiilaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here