Quraanjo aruurtay bulac waa jiidi kartaa; iskaashigii Hrithik iyo Tiger oo cagta mariyay 3 Khans. MAQAAL.

0
4748

Waxaan dhamaanteena wada ognahay in 25kii sano ugu dambeysay fanka India ay awood ku heysteen sadax Khans oo kala ah Shahrukhan, Amir Khan iyo Salman Khan kuwaasoona iskoor walba iyaga dhigaayay inkastoo 90aadkii uu Sunny Deol awood muuqato ahaa hadana awoodiisii waa hore ayay galbatay balse xidigahaan ilaa iyo maantadaan ayay soo taaganyihiin.

Filimada ay keenaan waa kuwa iskoor kasta dhiga ha ahaadaan maalinta koowaad, sadaxda maalmood ugu horeyso amaba guud ahaan lacagta ay soo xareeyaan mana jirin xidig si awood muuqato kaligiis kula tartami karay.

Hadaba maanta 3khans waxaa dhulka la galay Tiger Shroff iyo Hrithik Roshan kuwaasoo la yimid filimka WAR kaasoona cagta mariyay inta badan iskoorada u yaalo Bollywoodka maalinta koowaad wuxuuna noqday filimka lacagaha ugu badan keenay asigoona soo xareeyay 51.50 crore sida Box Office India sheegtay .

Iskaashiga Hrithik iyo Tiger laguma qasaarin maadaama ay kamid yihiin jilayaasha ugu fiican ee dhanka akshanka jili karo waxaana loo dhiibay filim akshan heer sare leh ogowna labada jilaaba qoob kacayaarka iyo danciga waa looga haray waxayna tani ka caawisay in filimkooda dadweynaha siweyn ugu xoomaan.

Waagii hore Bollywoodka waxay caan ku ahaayeen in jilayaal waaweyn hal filim lagu mideeyo waxayna gaari jireen guulo waaweyn waxaana ka xusi karnaa Filimada Mohra, Karan & Arjun iyo kuwa kale waxayna filimadaas gaareen darajada Blockbuster.

Hadaba haatan waxay u muuqataa in shirkada Yesh Raj Films nadaamkaas dib usoo celisay anagoona in dhawaalba arkin jilayaal waaweyn oo hal filim lagu mideeyay sida 3 Khans Akshey Kumar Ajay Devgan iwm.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here