Atiriishasa caanka ah Kriti Kharbanda ayaa bishaan hadal heynta la wareegtay waxay lasoo baxday muuqaal soo jiidasho leh, Filim cusub ayaa tiyaatarada u saaran iyo xiriirkeeda oo si weyn loo hadal hayo.

In mudo ah ayaa lagu xaman jiray jilaaga Pulkit Samrat oo ay isla sameyeen Filimka Pagalpanti waana mashruuc la sugaayo in la daawado waxaana wax ka jilaayo John Abraham hadaba Kriti ayaa dadka hortooda ka qiratay inee jeceshahau Pulkit wiilka guursan doonana uu isaga yahay.

Mar ay Filimkaan xayeysiin u sameynayeen saxaafada ayaa xiriirkan wax ka weydiyeen hadii uu dhab yahau horeyna wey u beenin jireen balse markaan wey shaacisay waxay tiri,”waa run inaan xiriir la leeyahay Pulkit Samrat.”

Saxaafada ayaa suaal ku celiyeen sababta ay intaas dhan u qarineysay markii la weydiyana u beenin jirtay waxay ku jawaabtay,”sababto ah waxaan doonaayey marka hore waalidkey inee ogaadaan inaan wiil la saaxiibay ma aanan dooneynin inee Tv-ga ka daawadaan kana ogaadaan ama Internet-ka ee waxaan rabay marka hore si kulan ah inaan ugu sheego kadib aduun weynaha la wadaago waana sameeyay marka hore waalidkey ayaan ogeysiiyay.”

“Mida kale qofka inuu xiriirkiisa ka hadlo si fagaaro ah waxay u baahantahau inuj kalsooni badan heesto kalsonidaas inaa heshana waxay kugu qaadan kartaa 5 sano amaba 5 bilood aniga 5 bilood ayee igu qaadatay inaan idiin sheego xiriirkeyga oo mudadaas waan qarinaayey.”

Pulkit oo goobta joogay kama uusan hadlin xiriirkan oo xishood ayuu muujiyay qosol ayuuba isaga jiray markee Kriti daldalmeysay balse John Abraham oo lamaanahan dhankooda joogay ayaa sheegay inuu yahay qofkii kowaad ee xiriirkooda ogaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here