Quruxleyda Bollywoodka Priyanka Chopra wey soo laabatay iyo mashaariicda Horyaalo.

0
727

Atariishada Priyank Chopra oo mudooyinkii ugu dambeeyay ku xayirneyd magaalada Los Angles kadib saameyntii Covid19 ayaa ugu dambeyn Yurub iska soo xaadirisay waxayna sawiro soo dhigtay barteeda Instagramka.

Priyanka Chopra oo u dhaxdo fanaanka reer Mareykan ee Nicky Jonas ayaana bilooyinkii ugu dambeeyay wax khabar ah laga maqlin waxayna nasiino ku qaadaneysay magaalada Los Angles, balse haatan ayay dib u howl gali doontaa.

Priyanka ayaana waxaa horyaalaan mashaariic badan oo uu ugu horeeyo mashruuca ay la saxiixatay Amazon Studios, waana mashruuc soconaayi mudo 2 sano kaasoo ay ku qaadan doonto Malaayiin dollar.

Mashaariicda yar yar markii laga soo tago Priyanka sidoo kale waxay ka howlgali doontaa mashruuca weyn ee Taxaha Filimka ee The Matrix 4 kaasoo uu hogaaniye ka yahay jilaaga Hollywoodka ee Keanu Reeves.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here