Julia Roberts waa mid kamid ah atariishooyinkii ugu waaweynaa fanka Hollywoodka soo mareen waxaana gabadhaan lagu xusuusan doonaa in atoorayaasha qaar xitaa iyada ka mushaar badneyd waliba heer ay gaarto in halkii filim ku sameyso 20 Million oo dolar.

Atariishadaan ayaa waxay is qabaan ninka lagu magacaabo Danny Moder waxaana haatan lagu soo waramayaa in xiriirkooda uu qalqal ku jiro isla markaasna ay is furi doonaan waliba look ala qeybin doono hantidooda ay sida wadajirka u leeyihiin ee 200 Million ah.

Arinta furiinkaan iyo siku dhacaan ayaa waxay salka ku heysaa kadib markii bishaan ay Julia u dabaal dagtay xafladeedii dhalashada ayadoona 52 jirsatay balse Danny uu iska indho tiray wax ihtimaamna uusan siinin taasoo hadalheyn abuurtay  waxaana rinka uga sii dareen saxaafada oo dab kusii shubtay.

Haatan lama oga sidey wax noqon doonaan mana jiraan labadaan lamaane mid kamid ah oo arinkaan ka hadlay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here