Shalay oo kale 13 November 1967 waxaa dhalatay atiriishada caanka ah Juhi Chawla oo ahed Boqoradii hore Bollywood-ka si rasmi ah ayeena u jirsatay 52 sano cimri ah waa atiriisho maqaamkii ugu sareysay ka gaartay fanka hindiya.

Munaasabada dhalasho xidigtaan aawged waxaan idiin kaga soo diyaarinay maccluumaad u gaar ah hoos kaga bogo:

Beautiful Juhi Chawla

Qodobka 1-aad: Juhi Chawla waxaa lagu tiriyaa mid kamid ah atiriishooyinka ugu qosolka qurxoon hadee qososho shuruud la’aan adigo dhoola cadeynaayo ayaad is arkeysa sababtana waxay tahay quruxdeeda wajiga oodhan inee laf dhabar u tahay inee qososho hadii kale ma dhameestirna quruxda wajigeeda.

Qodobka 2-aad: Sanadkii 1984 waxaa loo magacaay gabadha dalka India ugu qurxoon (Mss India) sidaa aawged waa mid kamid ah hablaha India ugu qurxoon taariikh ahaan waliba 10-ka hore ayee kujirtaa.

Cute Juhi Chawla

Qodobka 3-aad: laga soo bilaawo 1994 ilaa iyo hada Juhi waxay sameysay 13 Filim guulesteen 6 kamid ahna Hit dhameestiran ayee noqdeen wixii 1994 ka horeyeen xogtooda rasmiga ah lama heli karo keydka BOI na kuma jiraan .

Laakiin Filimo la ogyahay inee Big Hits noqdeen ayaa jiraan sida Darr, Qayamat Se Qayamat Tag, Hum Hain Rahin Pyaar Ka, Aaina iyo kuwa kale oo badan mida kale xidigtaan ilaa 1995 waxay la xifaaltameysay Madhuri Dixit dhanka awoodaha atiriishooyinka oo atiriishada kaliya Madhuri halis galisay ayee noqotay mudadaas inkastoo markii dambe Karisma Kapoor meesha qabsatay labadoodana macsalaamo la dhahay.

Juhi Chawla

Qodobka 4-aad: Hal jeer kaliya ayee Juhi ku guuleysataya abaal marinta Filimfare qeybta atiriishada ugu wanaagsan waxayna ku qaadataya bandhigeedii Filimka Hum Hain Rahin Pyaar Ka (1993) ee Aamir Khan la jilay filimo kale oo badana wey ugu tartantay.

Qodobka 5-aad: jilayaasha Bollywoodka ay ka taageerto waa seddex kala ah Shah Rukh Khan, Aamir Khan iyo Sridevi.

Qodobka 6-aad: Filimka ay ugu jeceshahay dhamaan Bollywoodka waa isla Filimka ay abaal marinta Filimfare ku qaadatay ee Hum Hain Rahin Pyaar Ka filimadeeda kale waxaa kamid ah ee lagu xusuusan doono Lootere, Darr, QSQT, Ishq, Yes Boss, Raam.Jaane, Aaina iyo kuwa kale oo badan.

Qodobka 7-aad: Diinta ay heesato waa Hindu waxaana u joogaan wiil iyo gabar lagu kala magacaabo Arjun Mehta oo dhashtau 2003 iyo Jhanvi Mehta oo dhalatay 2001 waxaana guursaday ganacsade Jay Mehta sanadkii 1996.

Gorgeous Juhi Chawla

Qodobka 8-aad: jilayaasha Bollywoodka ay isku dhaceen waxaa kamid ah ama kow ka ah Aamir Khan oo mudo sanado badan kala aamusnaayeen.

Juhi Chawla young

Dhamaad…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here