Ameesha Patel waa mid kamid ah atiriishooyinka Bollywoodka ugu caansanaayeen bilawgii qarnigaan kuwaaso la filaayey inee mustaqbalka Bollywoodka hogaanka qaban doonaan xidigtaan soo jiidasho gaar ah ayee lahaan jirtay.

Filimkii Kaho Na Pyaar Hai ayee kusoo caan baxeen iyada iyo Hrithik Roshan halmar ayuuna magaceeda hawada galay daafaha caalamkana laga aqoonsaday kadib waxay sameysay aflaam badan oo lagu amaanay.

Waxaa kamid ah Humraaz, Humko Tumse Pyaar Hai, Gadar-Ek Prem Katha iyo kuwa kale oo ay qaab jiliin cajiib ah kusoo bandhigtay balse mudooyinkan dambe saaxada Bollywoodka waa laga waayey maadama calankeeda dhacay.

Hadaba xidigtaan muuqaal been abuur ah ayaa laga faafiyay oo Photoshop laga sameeyay sida in bidaar loo yeelay qof faqiir ah loo ekeysiiyay waana wax kama jiraan muuqaaladaas.

Muuqaal 20 atiriisho oo lagu tilmaamay inee faqiir yihiin balse aan ahen hoos ka daawo Ameesha Patel, Priyanka Chopra iyo kuwa kale ayaa kujiraan oo qaarkood Photoshop lagu dhalllan-rogay.



LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here