Quruxleydii Fahriye Evcen wixii la sugaba wey soo laabatay ayadoona taxane cusub la imaan doonto.

0
537

Gabadha Modelka ah sidoo kalana atariishada ah ew Fahriye Evcen iney shaashada kasoo muuqato waxaa ugu dambeysay sanadkii 2017dii, tan iyo markaasna wax filim ama taxane kama soo muuqan.

Fahriye oo isla sanadkaas guursatay sidoo kalana cunugeedii ugu horeeyay dhashay 2019kii ayaa waxay inta badan ku mashquulsaneyd dhanka Modelka markii ay dhashayna korinta wiilkeeda Karan ayay ku mashquushay.

Fahriye oo u dhaxdo jilaaga caanka ah ee Bural Ozcivit ayaana mudadii ay korineysay cunugeeda sida lagu waramay iska diiday in kabadan 10 taxane ayadoona ka doorbiday inta cunugeeda 2 sano ka gaarayo ineysan wax taxane ah kasoo muuqan.

Haatan waxaa lagu soo waramayaa in Fahriye ay aqbashay taxanihii ugu horeeyay ee ay kasoo muuqan laheyd tan iyo 2017dii, balse lama shaacinin xogta taxana iyo sheekadiisa midna. waxayna wararka sheegayaan in heshiiska jilista taxanahaas saxiixday halkii xalqana ay ku qaadan doonto 130,000 oo liiro.

Taxana ayaa lagu wadaa in uu soo baxo bisha Sebtember ee sanadkaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here