Varun Tej wuxuu ku jiaa xili dahabi ah madaama labadan uu sanadkan 2019 la imaaday Big Hits noqdeen kuwaas oo kala ah Fun & Frustration iyo Gadhalakonda Ganesh (Valmiki) wuxuuna haatan isku diyaarinaa filimkiisa xiga oo uu Boxing ama feer yahan ku matalaayo waana mashruuc weyn oo miisaaniyad adag ku baxeyso.

Haatan waxaa si rasmi ah shaaca looga qaaday labada jilaa ee awooda badan R Madhavan iyo Ramya Krishnan filimkan lagu soo daray waxayna ku matalayaan Varun Tej waalidiisa ayagoo door adag ku leh qaabka sheekada filimkan aan magaca loo bixinin loo dhigay.

Varun Tej ayaa magaalada Los Angeles waqti ku qaadanayo mudo bil ah asigoo halkaas tababar adag ku sameenayo waxaana ku diyaarinayaan macalimiin dhanka feerka looga haray madaama xidigan uu doonayo doorkiisa Boxing 100% inuu ka run sheego wuxuuna gali doonaa tartan feerka ah oo filimkan sheekadiisa udub dhexaad u ah.

Director Kiran Korrapati ayaa ku faraxsan in filimkiisa xiga ay ka aqbaleen R Madhavan iyo Ramya Krishnan inay Varun Tej waalidiisa shaashada ku matalaan waxayna noqon doontaa markii ugu horeesay labadan halyee shaashada kasoo wada muuqan doonaan waxaana filimkan weyn maal galinaayo Allu Bobby ayadoo dhawaan duubistiisa si rasmi ah u bilaaban doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here