Raali ahaada cilad farsamo ayay u kala jarantay dhacdooyinka xalqadii 23aad ee shalay idiin soo gudbinay haatan ayadoo dhameystiran halkaan kaga bogo.

0
6939

Waxaa xalay lasoo bandhigay xalqadii 23aad ee taxanaha xiisaha lahaa Hercai ayadoo xalqadii hore arimo badan lagu soo bandhigay waxaana halkaan idiin kuugu soo qaadan doonaa dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa ee xalqadii 23aad.

-xalqada ayaa ka bilaabaneyso Reyyan oo warqad gacanta ku heysato isla markaasna tageyso guriga reer Aslan Bey waxayna Miran u sheegee in xaqiiqda aysan kahari doonin isla markaasna hadii uu doonayo inuu xaqiiqda ogaado ay siwadajir baaritaan u sameyn doonaan.

-Marnaba laguma tusaayo waxa ku qoran warqada ay Reyyan gacanta ku heysato balse waxay Reyyan ugu yeeree Miran in siwadajir ah u raadiyaan warqadii dhuntay isbitaalkana ku laabtaan.

-Zahra markii ay maqashay hadalkii Asmaa ee ahaa in Miran uu yahay wiilka Hazar shoog ayay meesha ka qaadee balse waxay sii amankaagee markey ogaato in Caziiza ogtahay in Reyyan uusan dhalin Hazar.

-Zahra waxay akhrineysaa warqadii Dilshaah usoo qortay Hazar waxaana warqada ku qoran in Miran uu dhalay Hazar ayadoo Zahra is weydiineyso hadii Hazar uu ogyahay arinkaan waayo warqad uu raadinayaayay iney mida Asmaa u dhiibtay tahay ayay uga shakinee.

-iiliif waxay dareemee dambi weyn maadaama ay ayada dhaawaca u geystay Hazar oo Miran iyo Reyyan darteeda u kala careysan yihiin waxayn go’aansanee in Reyyan la kulanto una sheegto waxa dhacay iyo in Miran dambi laheyn balse waxaa jidka ku arkeyso Asmaa weyna soo celinee.

-Asmaa iiliif waxay keenee guriga arinta jirtana waxay u sheegee Suldana waxayna suldana iiliif u wade qolkeeda ayadoo u sheegeyso iney arinkaan ka aamusto oo xaalada sii cakirin waayo reer Sadoglu hada wey daganyihiin maadaama Reyyan ay ka hartay Miran balse hadii ay xaqiiqda u sheegto Reyyan ay Reyyan dib ugu soo laabaneyso Miran waxayna taas sababi doontaa carada reer Sadoglu kuwaasoo dili doono Miran.

-Suldana waxay iiliif u sheegee hadii ay dooneyso in Miran noloshiisa badbaadiso aysan isku hadlin.

-Miran iyo Reyyan waxay tagayaan isbitaalka ayagoo dhinac kastana ka raadinaayo warqada balse waxba sooma helayaan isbitaalka ayayna kasoo laabanayaan.

-Reyyan arinta sidaas ugama hareyso waxayna toogtaan ka shakinee Yaariin waxayna ugu tagee qolkeeda balse qolka oo cidlo ah ayay u tagee kadibna baaris ayay ugu dhaqaaqee.

-Reyyan oo qolkii baareyso waxaa ugu soo gali doonto Yaariin waxaana meesha ka dhacaayo si qabqabsi iyo muran kaasoo sababaayo in Nasuh, Jihan, Azaad iyo Haandaan goobta yimaadaan.

-Markii qolka Yaariin la isugu yimaado ayay Yaariin waxay ku eedeynee Reyyan iney sharafta reer Sadoglu dhulka la gashay ayadoona aflagaado meesha ugu geysaneyso Reyyan.

-Balse Azaad ayaa xanaaqayo wuxuuna awowgiis Nasuh u sheegaa in Yaariin ay tahay qofka sharaftiisa dhulka la gashay asigoona u sheegaayo in ay ogeyd shirqoolka reer Aslan Bey oo ay maqashay Gonul iyo Suldana oo kawada hadlaayo sida Reyyan barxada Midyaat loogu fadeexeyn doono balse Yaariin ay ainka ka aamustay misna aysan qofna u sheegin.

-Oday Nasuh ayaa xanaaqaayo wuxuuna damcaa in Yaariin bahal dharbaaxo ku kala jiido hase yeeshee Reyyan ayaa soo kala dhex galeyso waxayna codsanee in Yaariin la iska cafiyo ayadana cafisay balse taas badalkeeda ay arintaan ogaanin aabaheeda iyo hooyadeeda waayo xaalada ay ku jiraan uma saamaxeyso dhaawac kale oo hor leh qalbigooda soo gaaro.

-Reyyan waxay u tagee aabaheeda waxayna ka codsanee in uu u ogolaadi in maalmod ay magaalka ka maqnaato isla markaasna iyada iyo Maliika ay aadaan guriga Maliika awowgeeda meeshana kusoo nasato.

-Hazar uma ogolanaayo Reyyan arinkaas balse Zahra aya u fasaxeyso waxayna kala hadlee Hazar arinkaas oo isna ogolaanayo.

-Zahra waxay bilaabee in afka Hazar ka gurto war si ay u hubiso inuu ogyahay in Miran wiilkiisa yahay iyo in kale waxayna ogaanee inuusan arinkaas waxba kala soconin.

-Zahro wali wey shoogsantahay mana garaneyso sidii ay arinkaan ka yeeli laheyd iyo hadii ay Hazar u sheegeyso in Miran uu dhalay asiga iyo in kale.

-Nasuh wuxuu ka cabsanayaa in Hazar uu soo xusuusto wixii dhacay habeenkii Dilshaah dhimaneysay sidoo kale wuxuu ogaanaa in Reyyan ay ku dabo jirto ninkii sameeyay faraantigii Miran hooyadiis wadatay ee Macalin Jibriil.

-Reyyan waxay ogaatay macalin Jibriil in uu noolyahay waxayna balaminee Miran si ay ugu tagaan xaqiiqdana uga soo ogaadaan.

-Caziiza waxay ogaanee arinta warqada waxay kaloo ogaanee in Miran uu yaqaano farta hooyadiisa taasoo caziiza walwal ku noqoneyso waxayna go’aansanee in warqadaas aysan marnaba ku dhicin gacanta Miran.

-Caziiza waxaa gacanteeda ku jiraan dhamaan dhambaaladii ay Dilshaah u qori jirtay Hazar kuwaasoo aanan Hazar wali gaarin waxayna damacsantahay in dhambaaladaas ay Miran u dhiibto si uu u akhristo balse waa kadib markuu dilo aabihiis isla markaasna uu ogaado in Hazar aabihiis ahaa Caziizanaha cadowgiisa aheyd.

-Suladan waxay Miran u sheegee qaabkii loo cadibay iyo qaabka ay wiilkeeda ku weysay arintaasoo aad uga careysiineyso Miran waxaana galaayo tuhun ah in Hooyadiisna la cadaabi jiray.

-Caziiza waxay digniintii ugu dambeysay u diree Suldana habeen aysan waligeed iloobi doonin waxaana suldaana loo dhigaa cashar ay waxbadan xusuusan doonto.

-Gonul xaaladaha markey isku qasmaan way iska baxeysaa iyadoo xitaa aqoonin meesha ay u socoto waxaana kadaba tagaayo Furaat waxayna Gonul Furaat u sheegee in walaalkeeda noolyahay Mirana ay dartiis u furtay dhibka dhana ay ka dambeyso Caziiza xili Furaat ay yaab ku noqoneyso arinkaas.

-Miran iyo Reyyan waxay helayaan guriga uu macalin jibriil daganyahay wayna u tagayaan macalin Jabriil ayaana qiranaayo in faraantiga uu asiga sameeyay wuxuuna tusaa in saxiixiisa ku qoranyahay faraantiga.

-Markii macalin jibriil arinkaas qirto ayay Reyyan weydiinee yaad u sameysay faraantigaan ma xusuusataa inoo sheeg balse inta uusan jawaabin Miran ayaa qolka orod uga soo baxaayo.

-Reyyan ayaa Miran kasoo daba baxeyso wuxuuna ku dhahaa aniga ma doonaayo inaan wax kale maqlo jawaabtiisa adiga soo weydii adigana iisoo sheeg jawaab kasta oo aad ii keentana waxaan diyaar u ahay inaan ku rumeysto xaqiiqda sidey noqotana qaato.

-Reyyan ayaa kusoo laabaneyso macalin Jabriil su’aashii ayayna markale weydiinee cida uu faraantigaan u sameeyay Mohamed Aslanbey mise Hazar Sadoglu balse intuusan jawaabin ayay xalqada go’eysaa.

Dhammaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here