Priyanka Chopra waa mid kamid ah shaqsiyaadka dunida ugu caansan xidigtaan waxay guursatay heesaaga reer America Nick Jonas kaaso ay nolol fiican la qaadaneyso balse dad badan ma oga in Nick qabo cudurka macaanka ma sonkorta.

atariishadan ayaa waxaa wax badan laga weydiiyay arrimo badan oo ku saabsan ninkeeda Nick jones iyo si ay ula tacaasho xanuunkiisa sonkorta xiliga uu jiifo

Priyanka chopra jones ayaa sheegtay inay hadda wax badan ka baratay kaaso ah sida loo ilaaliyo cudurkaas iyadoona sheegtay inay habeen walba xiliga saqda dhexe soo toosto si ay u hubiso xaalada ninkeeda Nick Jones iyo inuu hoos u dhacay xanuunkiisa sonkorta

sidoo kalena Priyanka waxa ay shaacisay inay sidoo kale baarto sariirta maadaama dadka xanuunkaas qaba lagu yaqaano inaysan ceshan karin kaadida

Priyanka oo arrintan ka hadlaysa ayaa waxa ay tiri ” habeenkii ugu horeeyay markii aan is-guursanay madaxyga dhulka ma dhigin maadaama aan ku mashquulay isaga ( Nick Jones) waxaana niyada isiin waysay inan seexdo maadaama aan ka cabsanaayay xanuunkiisa inuu hoos u dhaco ( sonkorta ) xiliga uu jiifay hadda waxaan si weyn u bartay qaabka loola tacaalo cudurkaas waxaan habeen walba soo kacaa xiligii saqda dhexe si aan u kontoroolo wax walba oo isaga ku saabsan ”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here