
atariishada Priyanka ayaa dhawaanahan waxa ay ku sugnayd magaalada New York ee dalka Mareykanka iyadoo halkaas xayeesiin ugu samanaysay filimka Bollywoodka ee Sky is Pink kaaso dhawaan la daawan doono
atariishadan ayaa waxaa wax badan laga weydiiyay arrimo badan oo ku saabsan ninkeeda Nick jones iyo si ay ula tacaasho xanuunkiisa sonkorta xiliga uu jiifo
Priyanka chopra jones ayaa sheegtay inay hadda wax badan ka baratay kaaso ah sida loo ilaaliyo cudurkaas iyadoona sheegtay inay habeen walba xiliga saqda dhexe soo toosto si ay u hubiso xaalada ninkeeda Nick Jones iyo inuu hoos u dhacay xanuunkiisa sonkorta
sidoo kalena Priyanka waxa ay shaacisay inay sidoo kale baarto sariirta maadaama dadka xanuunkaas qaba lagu yaqaano inaysan ceshan karin kaadida
Priyanka oo arrintan ka hadlaysa ayaa waxa ay tiri ” habeenkii ugu horeeyay markii aan is-guursanay madaxyga dhulka ma dhigin maadaama aan ku mashquulay isaga ( Nick Jones) waxaana niyada isiin waysay inan seexdo maadaama aan ka cabsanaayay xanuunkiisa inuu hoos u dhaco ( sonkorta ) xiliga uu jiifay hadda waxaan si weyn u bartay qaabka loola tacaalo cudurkaas waxaan habeen walba soo kacaa xiligii saqda dhexe si aan u kontoroolo wax walba oo isaga ku saabsan ”