Home » Race 3 » Race 3 waxaa loo sameeyay ku dhawaad 5-dhamaad ama uultimo xitaa jilaayaasha ma garan karaan sida uu ku dhamaanayo!

Race 3 waxaa loo sameeyay ku dhawaad 5-dhamaad ama uultimo xitaa jilaayaasha ma garan karaan sida uu ku dhamaanayo!

Hadal heynta filimka Race 3 waa mid heerkii loogu tala galay ka sareyso sidoo kalena kooxda filimkan waxay ku guuleesteen inay dhisaan hanaan mashruucaan Hindiya uu ku qabsan karo fagta hore.

Sidaa darteed waxaa la helay warbixin sheegeyso in Race 3 qaabka uu kusoo idlaanayo ama dhamaadka filimkaan aysan xitaa jilaayasha garaneyn!

Waxaa la sameeyay in shan uultimo ama dhamaad loo sameeyay Race 3 waxaana la qaadan doonaa hal uultimo sidaa darteed jilaayaasha ma garan karaan sida uu Race 3 ku dhamaanayo.

Salman Khan oo soo saare ka ah Race 3 sidoo kalena ah hogaamiyaha kowaad filimkaan iyo Director Remo D’Souza kaliya ayaa og sida uu filimkaan ku dhamaan doono waxayna kala dooraan doonaan shanta dhamaad ee la duubay midka ku haboon.

Race 3 waxaa la daawanayaa Ciidul Fitrigaan ama 15-ka June 2018 waxaana Salman la jilyaaan Anil Kapoor, Salman Khan, Bobby Deol, Jacqueline Fernandez, Daisy Shah and Saqib Saleem iyo Freddy Daruwala.