Mega Star Salman Khan culeys weyn ayaa soo fuulay waana wax iska caadi ah culeyskaan atoore walba ayuu soo koraa marka uu fanka awood kuhayo 10 sano xiriir ah marka Salman waqtigii uu kursiga hogaanka wareejin lahaa ma dheero waana sababta culeyska ugu soo batay.

Xidigaan 3 Filim ugu dambeyeen midna Hit uma noqon waana astaan muujineysa in hogaanka lagaka wareegi doono sanadaha xigaan hadaba Salman isaga qudhiisa ma quustay oo ma isdhigtay mise 2 ilaa 3 sano wuu is adkeyn doonaa. Waxuu dhowaan ka hadlay iskudhaca Filimada ciida Fitriga la daawan doono ee Radhe iyo Laxmmi Bomb kuwaaso ay kala hogaaminayaan isaga iyo Akshay Kumar.

Sallu Radhe ayuu wataa waana Filim dagaal ah iyo madadaalo dhameestiran leh waxuuna calaamestay Ciida Fitriga balse Akshay Kumar ayaa ciidan dhahay anaa kula saartay waxuuna wataa Filimka Cabsida iyo shactirada iskudhex jira ah ee Laxmmi Bomb.

Actor Salman Khan comes out in his balcony to greet fans who had gathered outside the Galaxy Apartments to wish him on his 54th birthday.

Hadaba Sallu waxuu yiri hadal quusitaan u eg”waxaan Filaa filimka Akki inuu ganacsi wacan sameeyn doono marka aan ciida wad imaano waan aqaana Akki waa saaxiibkey horeyna aan usoo wada shaqeynay waana qof shaqo adag waan ku kalsoonahay in Filimkiisa ka ganacsi badan doono midkeyga ileen isaga waa Akshay wax walbo ka filo almuhiim nasiib wacan ayaa urajeynaa isaga iyo kooxda Filimka.”

Salman hadal ammaan iyo xushmad kujirto ayuu ku hadlay waxuuse ilaaway in Filimkiisa yahay mid mug weyn oo daawadayaasha Action dhameestiran ayee ciida xiiseyaan marka hadalka ma dad banyahay oo wuu isku kalsoonayahay Sallu mise quusitaan ayuu joogaa waa ka dhab inuu Akki Box-officeka kaga guuleysan doono maadama iskudhacayaan mashaariicdan.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here