Laadarka awooda badan ee Bollywood-ka iyo Koonfur Hindiya la shaqeeyo Rahul Dev ayaa banaanka soo dhigay sida u Superstar Sanjay Dutt u yahay qof dabacsan oo dadka isaga la shaqeeyaan wax walbo u ogol inkastoo Dutt laga aamisan yahay inuu yahay qamarji aan wax lala wadaagi karin sidoo kalena dadka xakameeyo marka ay goobta shaqada wada joogaan.

Rahul Dev wuxuu laadar ka yahay filimka Torbaaz ee Sanjay Dutt hogaamiye ka yahay lagana daawan doono barta Netflix 11-ka bishan December waana filim fariin waaqici ah xambaarsan sidoo kalena labadan ku hardami doonaan waxaana door muhiim ah ku leh atirishada lagu magacaabo Nargis Fakhri.

Rahul Dev oo saaxiib dhow la ah Dutt wuxuu yiri “Sanjay waa atoore deeqsi ah, dadka aan xakameynin sidoo kalena jecel jilaayaasha filimka la jilayaan inay kaalintooda qaataan, waana atoore jecel inuusan wax culees ah ku saaran kuna garab istaagayo iskuna kaa dabcinaayo markuu muuqaal kula wadaagayo.”

Rahul Dev wuxuu soo qaatay filimkiisii kowaad inuu ahaa Dus oo sanadii 1997 uu la sameeyay Sanjay Dutt, Salman Khan, Vinod Khanna, Raveena Tandon iyo Shilpa Shetty balse nasiib daro marnaba aan tiyaatarada la saarin inkastoo 42-maalmood filimkan ay duubeen wuxuuna sheegay in Sanjay siweyn ugu soo dhaweeyay goobta duubista ilaa haatana uu aad u jecel yahay waxayna sidoo kale isla sameeyeen filimada ay ka mid yihiin Sarhad Paar, Kidnap iyo Blue markaana waxay diyaar u yihiin filimka Torbaaz inay daawadayaasha kusoo jiitaan bandhiga ay ka muujin doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here