Yaa ilaawi karo wada shaqeyntii quruxda badneed ee dhexmartay Bollywood King Khan Aka Shah Rukh Khan iyo Bollywood Old Queen Preity Zinta waa kuwa kamid ah lamaanayaasha shaashada kuwooda loogu jecel yahay taariikh ahaan.

Xidigahan ayaa ku kulmeen xaflad Diwali uu dhigtay Mega Superstar Amitabh Bachchan aqalkiisa Mumbai ku yaalo ayuuna xafladan ku dhigtay waxaana kasoo qeyb galeen xidigo badan sida Shah Rukh Khan iyo xaaskiisa Gauri Khan, Preity Zinta, Rani Mukerji, Karan Johar iyo kuwa kale badan.

Sido kale qoyska waa Big B ku weheliyeen xafladaan Abhishek Bachchan, Jaya Bachchan, Aishwarya Rai iyo kuwa kale waxay ahed xaflad xiiso leh jilayaal isku xiiseyna ay goobta ku kulmeen.

Hadaba Preity ayaa sawir Selfie ah la gashay xidigaan xaflada dhexdeeda ayagoo kusugan waxayna soo dhigtay Instagram-ka iyadoo soo raacisay qoraalkan.

“Xusuus hore iyo jaceyl hore waa aniga iyo SRK oo kusugan xaflads Diwali-ga ee aqalka mudane Amit saaxiibtinimada (aniga iyo SRK) waligeed ha jirto.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here