Raid Vs Padman: sida ay ku furmeen subaxdii hore Ajay iyo Akshay filimadooda

Shabakada BOI ayaa soo bandhigtay maqaal ay bar bar dhig ka sameeneyso filimada Padman iyo Raid qaabka ay suabxdii hore ku furmeen xiliga Hindiya.

Filimka Padman ee Akshay Kumar hogaamiye ka yahay wuxuu ku furmay 20% ilaa 25% subaxdii hore markii tiyaatarada la saaray 9 Feb 2018.

Ajay Devgn filimkiisa Raid wuxuu ku furmay 15% ilaa 20% maanta subaxdii hore waxaana bilaabasho wanaagsan Padman, balse Raid ayaa tiyaataro badan taasi oo sababi karto inay maalinta kowaad isku ganacsi noqdaan hadii Raid sare u kac sameeyo qaybaha u harsan maalintiisa kowaad.

Filimka Riad wuxuu Padman kaga bilaabasho wanaagsan yahay gobolada UP, CP, CI, Gujarat iyo Bihar waayo dadka halkaas ku nool horey fariinta Padman wey u aqbali waayeen.

Labadaan filim Delhi iyo Punjab si isku mid ah ayay kaga furmeen laakiin waxaa halkaas kaga bilaabasho wanaagsan filimka Sonu Ke Titu Ki Sweeyt oo aan jilaayaal caan ah ku jirin!

Padman wuxuu filimka Raid kaga wanaagsan yahay subaxdii hore suuqyada Mumbai, Pune, Koonfurta iyo West Bengal.

Sidaa darteed labadaan filim goboloada wey kala qeebsadeen bilaabashada fagta hore ayadoo Padman bilaabasho wanaagsan yahay halka Raid uu tiyaataro badan yahay.

Fadlan hoos kaga bogo isku bar bar dhig BOI ka sameesay filimada Raid Vs Padman suuqyada muhiimka ah sida ay kaga furmeen waa suuqyo kooban:

Mumbai (45 shineemo)

Raid – 3,898 qof

Padman – 4,043 qof

 

 

Delhi (25 shineemo)

Raid – 2,321 qof

Padman – 2,439 qof

 

 

Chandigarh (8 Shineemo)

Raid – 774 qof

Pad Man – 802 qof

 

 

Jaipur (10 shineemo)

Raid – 1,085 qof

Pad Man – 932 qof

 

 

Wadarta Guud (88 shineemo)

Raid – 8,078 qof

Pad Man – 8,216 qof