Home » Box Office » Raid Vs Padman: Todobaadka Kowaad Ganacsiga Ay Sameeyeen Oo La Is Bar Bar Dhigay

Raid Vs Padman: Todobaadka Kowaad Ganacsiga Ay Sameeyeen Oo La Is Bar Bar Dhigay

Shabakada Boxoffice India (BOI) ayaa soo daabacday maqaal ay isku bar bar dhigeyso filimada Raid iyo Padman ganacsiga rasmiga ah oo ay sameeyeen todobaadka kowaad.

Raid oo hogaamiye ka yahay Ajay Devgn wuxuu sameeyay ganacsi la mid ah Padman oo Akshay Kumar hogaamiye ka yahay todobaadka kowaad waxayna soo wada xareeyeen min 60 Crore.

Inkastoo Padman ay caawiyeen ganacsiga todobaadkiisa kowaad in maal maha Talaado iyo Arbaco uu fasaxyo helay halka Raid todobaadkiisa kowaad wax fasax ah helin.

Sidoo kale todobaadka kowaad gobol walbo ganacsiga ay ka sameeyeen isku mid ayay ka yihiin marka laga reebo Mysore oo uu Padman ku horeeyo halka Raid isagana ku wanaagsan yahay Bihar.

Marka hoos loo daadago Raid wuxuu ku wanaagsanaa Gujurat todobaadka kowaad halka Padman isagana ku wacnaa Mumbai City iyo Pune taasi oo sababtay Mumbai iyo hareeraheeda in Raid looga wanaagsanaado.

Padman fariintiisa waa mid xadidneyn oo qof kasto daawan karin laakiin Raid waxay ahayd fariintiisa mid qof walbo daawan karay waana halka meel Raid looga wacan yahay madaama filim fariin xadidan ku ganacsi noqday todobaadkiisa kowaad waloow ay fasaxyo caawiyeen.

Laakiin todobaadka labaad waa la kala haray weliba Raid meel fagaaro ah ayuu Pad Man kaga tagay, laakiin Raid hadii uu Hit noqon waayo isaga iyo Padman isku natiijo ayay noqon doonaan oo ah labo filim oo wada guuleesteen sidaa darteed Raid waa inuu ganacsi wacan sameeyaa todobaadkiisa labaad iyo sedexaad si uu Hit u noqdo:

Fadlan hoos kaga bogo is bar bar dhig lagu sameeay Raid Vs Padman todobaadka kowaad gobol walbo ganacsiga ay ka sameeyeen:

 

Mumbai

Raid – 22.25 Crore

Pad Man – 21.77 Crore

 

Delhi / UP 

Raid – 12.69 Crore

Pad Man – 12.36 Crore

 

East Punjab

Raid – 5.34 Crore

Pad Man – 5.58 Crore

 

Rajasthan

Raid – 2.93 Crore

Pad Man – 3.01 Crore

 

CP Berar 

Raid – 2.81 Crore

Pad Man – 2.69 Crore

 

CI

Raid – 1.99 Crore

Pad Man – 2.10 Crore

 

Nizam / Andhra

Raid – 2.54 Crore

Pad Man – 2.17 Crore

 

Mysore

Raid – 2.97 Crore

Pad Man – 3.85 Crore

 

Tamil Nadu / Kerala 

Raid – 79 Lakh

Pad Man – 93 Lakh

 

West Bengal 

Raid – 2.69 Crore

Pad Man – 3.84 Crore

 

Bihar

Raid – 1.78 Crore

Pad Man – 1.28 Crore

 

Assam

Raid – 49 Lakh

Pad Man – 55 Lakh

 

Odisha 

Raid – 66 Lakh

Pad Man – 61 Lakh

 

TOTAL 

Raid – 59.86 Crore

Pad Man – 59.74 Crore