19 bishaan October waxaa xaflad balaaran qabtay Raiisul Wasaaraha Dalka India Narendra Modi oo aqalkiisa kudhigay xaflad loogu dabaal dagaayey munaasabad dhalasho halyeegii India Mahatma Gandhi oo 150 sano kahor dhashtay.

Gandhi waa ninka u horseeday in India ka baxaan gumeysigii ingiriiska dagaal weyna la galay gumeystihii kana guuleystay sidaa aawged waa nin ku weyn quluubta shacab weynaha India marwalba qof walba oo India kasoo jeedaana waa kufaana arinkaa hadaba madaxdii qarankaas ayaa xus dhalasho u sameyeen halyeegan.

Balse Raiisul Wasaaraha ayaa cunsurinimo iyo bahdil kula kacay fanka koofur India guud ahaan iyo gaar ahaanab sababto ah waxuu xaflada ku casuumay kaliya Bollywoodka midaasna waa lagu dhaliilay laga so bilaawo Shah Rukh Khan, Aamir Khan, Jackie Shroff iyo halyeey kale looma kala harin xafladan 19 bisha la qabtay.

Waxaase la waayey hal jilaa oo kasoo jeeda koonfur India oo xafladan weyn lagu casuumay suaal ayaa dhalatay oo ah fanka koonfureed kamid ma aha miyaa India mise Bollywoodka kaliya ayaa la aqoonsan yahay? .

Hada koonfur waxaa joogaan Superstars waaweyn oo ka awood badan kana shacbiyad badan qaar kamid ah atoorayaasha Bollywoodka sidaa aawged Raggan aan lagu deg degi karin lana xaqiri karin waxaa kamid ah Rajnikanth, Chiranjeevi, Kamal Haasan, Vijay, Mahesh Babu, Prabhas, Ram Charan, Ajith Kumar iyo Ragg kale oo badan inta aan sheegnay maqaamka ay gaareen qaar kamid ah oo xaflads imaadeen wali ma aysan gaarin.

Xaaska Ram Charan ee Upasana ayaa baraha bulshada ku dhaliishay RW Modi waxayna tiri,” waan ku faraxsanahay mudane Modi xaflada aad agaasintay balse Bollywoodka kalita miyaa u dhigtay anaga koonfur ahaan hal qof nagama aadan casuumin maxaa dhacay fanka kama tirsanin miyaa.”

Modi waxaa laga rabaa sababta uu u xaqiray reer koonfur inuu sharaxaad ka bixiyo malaayin dad ah ayaa suaashan maskaxdooda ka guuxeysaa mida kale waqtigaan ka joogo Bollywoodka hoos ayuu jiraa tayo ahaan waxaana in badan hormarsan fanka koonfur India oo adduunka la jaanqaadaayo daqli ahaana koonfur ayaa badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here