Waxaan wada ognahay aqristayaasha qiimaha badan labada dal ee dariska ah Hindiya iyo Pakistan xiriir wanaagsan inuusan ka dhaxeynin dhawaanahan haatana Ra’iisul Wasaaraha Pakistan wuxuu weerar ku qaaday shirkada ugu weyn Hindiya ee aflaanta soo saarto Bollywood-ka wuxuuna ku tilmaamay inay dalkiisa halis ku yihiin dhaqan ahaan, dambe ahaan iyo caafimaad ahaan.

Ra’iisul Wasaare Imran Khan wuxuu sheegay daroogada gudaha Pakistan ku badaneyso iyo falalka dambiyada ee gudaha Pakistan ka dhacaan inay Bollywood-ka sabab u yihiin wuxuuna masuulkan yiri “Bollywood-ka waa meel qurun ah oo qashinka ku bateen waxay soo saaraan fariimo dadkeena halis ku ah weliba dhalinta inay daroogada adeegsadaan sidoo kalena dambeiyada nagu bataan gaar ahaan kufsiga iyo xad gudubka lagula kaco dumarka waxaa sabab u ah Bollywood-ka aflaantooda oo ay dhalinteena daawadaan.”

Sidoo kale Imran Khan wuxuu weerar ku qaaday Hollywood-ka wuxuuna dhahay “Hollywod-ka iyagana waa ka daran yihiin Bollywood-ka oo xumaan walbo ayay dadkeena tusaan weliba hubaka ugu weyn ee dhalinteena bur buriyaano waa taleefoonka gacanta (Mobile) oo wax walbo oo xumaan ah laga daawado waana arin qatar ah in caruurta xumaan walbo daawadaan wuxuuna dalkeena ku jiraa halis weyn oo nooga baahan inaan la dagaalano.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here