Jilaaga caanka ah ee Raj Babbar iyo quruxleydii hore Bollywoodka Madhuri Dixit waxay isla sameyeen Filimka caanka ah ee Yaraana kaaso la daawaday sanadkii 1995 waana mashruuc Madhuri doorka ugu weyn ka ciyaareysay halka Rishi Kapoor atoore ka ahaa Raj Babbar na laadarka Filimka ayuu ahaa.

Mashruucan inta lagu guda jiray Madhuri waxay ka eed sheegatay jilaagan Raj Babbar la dhaho sida wargeysyadii xiligaas qoreyn maadama uu ku xad gudbay xadkii jiliinka loogu talo galayna uuba dhaafay waxaana u sabab ah isku so dhowaanshahooda ayaa badnaa mashruucaas.

Sida Filimka loogu talo galay Raj Babbar ayaa muuqaal kufsi la duubaayo atiriishadan balse ma dhacaayo kufsiga ee waa isku day uun oo loogu talo galah intee xarbinayaan inuh atooraha filimka kasoo gaaro sidaasna laadarka lagu afjaro sheekadiisa.

Hadaba muuqaladaas intee la duubeysay Madhuri dhib ayee kala kulantay dhanka Raj sababto ah xidigtaan waxay soo jiidatay jilaagan oo hilmaamsanaaba in kaamera laga duubaayo iyo in jiliin lagu jiro wuuna iska taraaraxaayey marwalbana duubistooda khalad ayaa ka dhaceysay oo halagu celiyo muuqaalka ayaa la dhahaayey.

Sababtana waxay ahed in Raj wixii samee ladhahay mooyee wax kale uu sameynaayey tusaale qaab qaldan ayuu u qabanaayey gabadha jirkeeda iyo meelaheeda gaarka ah oo uu weeraraayey midaansa Madhuri wey u cuntami weysay heer la joojiyay duubista Filim dhowr maalin si loo raali gareeyo Madhuri Dixit.

Markii dambe wey heshiyeen si nadiif ah ayaana lagu dhameestiray balse saxaafada waxay qoreen”Raj Babbar oo isku dayey inuu kufsado Madhuri Dixit” hadalo noocaas ah ayaa xiliyadaas la wad waday.

Madhuri marka aan ka hadalno waxay ahed atiriisho atoore walba soo jiidankartay oo atiriishada 3-aad ama 4-aad taariikh ahaan fanka hindiya ugu quruxda badan ayaa loo magacaabay maqaamkeeda ma ahan mid loo dhowaan karo waxayba kamid tahay 4 atiriisho Superstar noqdeen abid marka atoore walba ayaa riyadiisa ahed inuu shaashada la wadaago weyba kasii darantahay nin loo fasaxay inuu jirkeeda taabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here