Superstar walbo oo Koonfur Hindiya kasoo jeedo maanta wuxuu rabaa taageerayaashiisa inuu farxad galiyo madaama feestada Diwali gudaha Hindiya ka bilaabatay sidaa darteed aflaan waa weyn oo la wada sugaayo ayaa argtiyo ama kaartooyin kala duwan laga soo bandhigay.

Superstar Rajinikanth ayaa filimkiisa Darbar aragti ama kaarto soo jiidasho badan kasoo bandhigay waxaana filimkan la daawan doonaa 10 Jan 2020 ayadoo Suniel Shetty uu laadar ka yahay halka AR Murugadoss uu Director ka yahay.

Suldaan Mahesh Babu isagana filimkiisa Sarileru Neekevvaru waxaana filimkan xiisaha badan la daawan doonaa 12 Jan 2020 ayadoo Mahesh uu ku jilaayo askari militari mayal adag waxaana mashruucan Director ka ah Anil Ravipudi.

Superstar-ka weyn ee reer Telugu Nandamuri Balakrishna isagana wuu soo rogaal celiyay wuxuuna maanta aragti kowaad ama kaarto soo jiidasho badan kasoo bandhigay filimkiisa 150-aad oo loo bixiyay Ruler waxaana la daawan doonaa 20 Dec 2019 wuxuuna ku jilaa askari boolis xarakeyn doono waxaana Director ka ah KS Ravi Kumar.

Dhinaca kale Venkatesh iyo Naga Chaitanya filimkooda sida weyn loo wada sugaayo Venky Mama ayaa isagana aragti soo jiidasho badan laga soo bandhigay gaarna u ah labadan xidig ee filimkan hogaamiyaasha ka ah waxaana xusid mudan in weli lagu dhawaaqin xiliga filimkan la daawan doono balse bisha December gudaheeda in la daawan doono ayaa loo badinaa.

Ugu dambeyntii Stylish Star Allu Arjun ayaa hees kala kacsan kasoo bandhigay filimkiisa sida weyn loo wada sugaayo Ala Vaikunthapurramuloo waxaana mashruucan la daawan doonaa 12 Jan 2020 waxaana filimkan Director ka ah Trivikram.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here