Xalqadii hore waxay inoo joogtay Maya oo ka shakisab Vikram misane ka war heshay in taleefan aan shaqeyneynin uu iyada ku qiyaanay misane mid shaqeynaayo ay u maleysay hadaba xalqadaan Maya waxay ogaane qiyaanada Vikram inkastoo wali xusuusta ka maqantahay.

Maya ayaa damceyso in qolka kasoo baxdo kadib markee ogaatay in Vikram been usheegay mise yaabkeeda waaba Vikram oo albaabka iridiisa taagan waxuuna dhahaa halkeed usocotaa xiligaan iyadana wey ka qarinee Vikram ayaa hoos usoo dagaayo si uu shaah ugu kariyo Maya.

Maya ayaa qolka baaritaan ku bilaawydo waxna ma heleyso balse shaahii ama kafeegii uu Vikram usoo sameeyay markee cabto xasaasiyo ayee ka qaadee midaaso shaki weyn galineyso Maya waxayna kaligeed iskudhahee”haddii Vikram ijecel yahay oo xaaskiisa ahay misane mudo la noolaa maxuu u ogaan waayey waxyaabaha xasaasiyada igu kiciyaan.”

Maya ayaa qorsho fikireyso waxayn Vikram udiree suuqa oo adeeg ayee udiree waxayna dhahee maanta aniga cuntada sameynaayo ee adeegan suuqa kasoo iibi intuu maqan yahay ayee guriga baaritaan ku bilaawe balse Vikram ayaa dhexda kasoi noqonaayo maadama uu ilaaway boorsadii lacagta ugu jirtay.

Arinka naxdinta leh ayaa ah in Maya heleyso meeydka Rajiv oo armaajo kujiro weyna naxee kadib si deg deg ayee meeydka ugu celinee armaajada sido kalena qolkeeda ayee aadee qofoa hurdo ayee iska dhigee.

Dhanka kale MJ waxuu wacad ku maraa inuu Maya dili doono kahor inta Rudra uusan Maya la kulmin waxuuna MJ ka cabsanaa in Rudra ogaado xiriirkii hore ee isaga iyo Maya ka dhaxeeyay iyo 10 sano kahor waxa dhacay.

Maya hooyaded wali qolkii ayee ku xir xirantahay sido kale Vikram guriga ayuu kusoo laabanana waxuuna ogaana in Maya aragtay meeydkii Rajiv ee uu armaajada ku qariyay ileen intuu Rajiv dilay ayuu armaajada galiyay kadib Vikram ayaa Maya usoo galaayo waxuuna kudhahaa,”wax walbo waad ogaatay so ma aha” Maya ayaa iyadoo naxsan soo boodeyso kana fogaaneyso Vikram qof cabsanaayo ayaa la moodaa qalaas xalqada halkaas ayee kudhamaanee.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here