Home » Nolosha Jilaayaasha » Rajkumar Hirani Oo Ka Jawaabay Hadii Filmka Sanju Qeyb Labaad Laga Sameen Doono!!

Rajkumar Hirani Oo Ka Jawaabay Hadii Filmka Sanju Qeyb Labaad Laga Sameen Doono!!

Sanju oo noqday Big Blockbuster iyo filmka sanadkaan lacagaha ugu badan soo xareyo waxaa looga hadlay nolosha Super Star Sanjay Dutt oo uu shaashada ku jilay Ranbir Kapoor halka uu Director ka ahaa Rajkumar Hirani.

Hadaba mudane Raju oo daawadayaasha aad u jecelyihiin maadama had iyo jeer fariin wacan la yimaado ayaa saxaafada weydiyeen hadii qeyb labaad mashruucan ka sameen doono maadama dadkii ku waashteen daawashadiisa.

Raju Hirani waxuu ku jawaabay sida tan,”waxaa markii hore arinkaan igala hadleen Sanjay Dutt iyo Ranbir Kapoor waliba mudane Sanju waxuu iisheegay in aan noloshiisa wax badan ka aqaano sido kalena waxyaabo badan oo aan filmka Sanju kusoo bandhigin ay jiraan loona baahanyahay in dadka la baro .”

“Sidaa aawged waxay iga codsadeen in aan qeyb labaad ka sameeno filmka Sanju balse waxaan u sheegay in arinkaas macquul ahen sababto ah shaqsiga kaliya halmar ayaa noloshiisa film laga soo bandhigi karaa ee laba jeer ama labo mashruuc macquul ma ahan horeyna uma dhicin mana dhaceyso ayaan ku dhahay.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *