Rajkummar Rao”Aamir Khan Waa Qof La Isku Haleen Karo Oo Amaan Leh Xaqiiq Ahaan Waan Jeclahay Aamir Khan”

0
320

Rajkummar Rao waa mid kamid ha atoorayasha Bollywoodka kuwooda ugu jiliinka wanaagsan wuxuuna xidigaan ka howl wadaa taxanahiisa caanka ahaa ee Bose Dead or Alive kaaso lawada sugaayo.

Xili uu xidigaan wareysi bisinayay sido kalena taxanahan ka hadlaayey ayuu wax ka shegay Super Star Aamir Khan.

Rajkumar Rao wuxuu cadeyay inuu aad u jecelyahay la shaqeynta Aamir Khan shaqsi ahaana uu yahay qof uu ku daydo.

Rao oo hadlaayo wuxuu yiri,” mudane Aamir (Khan) xaqiiq ahaan waxaan lasoo wadaagay waqti wacan waana shaqsi laisku haleen karo amaan ahaan waxaana xasuusta inuu Diwali-gii dhamaantena langu casuumay gurigiisa xafladii Diwali-ga.”

“Waxaan jeclaan lahaa inaan la shaqeyo Mudnae Aamir waayo waa qof in badan lagu daydo dhan walbe waxaana jeclahay filim walba inaan asiga la sameyo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here