Waxaa si heer sare ah usocoto xayeysiin u sameeynta Filimka Darbar ee la daawan doono 10 bishaan Janaayo waana mashruuc Tamil ah oo Action dhameestiran ah si weyn ayaana loo sugayaa dagaalka dhexmari doono Rajni iyo Suniel.

Filimka waxaa atoore ka ah Superstar Rajnikanth kaaso kujilaayo askari madax adag oo go’aankisa kusocdo siduu doonana tuugada udilo ujeedkiisana waa inuu dhameeyo dhamaan Maafiyada halka Bollywood Action Hero Suniel Shetty uu kujilaayo kaabo laadar awood badan Maafiyada oodhana isaga ay ka amar qaataan.

Hadaba Rajni ayaa dhowaan ka hadlay xaflada mashruucan loo dhigay ee lagu xayeysiinaayey goos gooskana lagu soo bandhigayay Rajni waxuu goobta ku ammaanay si kal iyo laab ah Suniel.

Waxuu yiri,”fadlan Suniel haloo istaago hana loo sacbiyo afar sano ayuu filim jilista iska dhaafay si uu aabihiis u daryeelo, Waa bini aadanka ugu wanaagsan aan la shaqeeyay 40 sano aan fanka ku jiro.”

“Dagaalka feerka na dhex maraayo wuu iga taxadiray xoogiisana ima adeegsan waana wax aan laga heli karin qof walba xaqiiq ahaan dabci ahaan Suniel sifiican ayaan u bartay waana qof aan la gaari karin.”

2013 ilaa 2017 Suniel saaxada laguma arkin aabihiis oo koomo ku jiray ayuu intaas daryeelaayay markii uu xijaabtay ayuu soo laabtay dhanka kale Suniel waxuu sheegay in Darbar door fiican laga siiyay sida midkii Main Hoo Naa oo kale (2003).

“Mudo kadib sidii Main Hoo Na ayaan boos fiican oo laadar ah helay” ayuu yiri Suniel dabcan Filimkaaa waan wada xusuusana isaga iyo SRK xifaaltanka dhexmaraayo markale waxaad arki doontaa Shetty oo la xifaaltamaayo jeestoole waxaana xusid mudan in Darbar 10 Jan isku dhici doonaan Ajay Filimkiisa Tanhaji.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here