Dadka badankood wey ogyihiin in Ameesha Patel aysan ahen dooqa kowaad ee Filimka Kaho Naa Pyaar Hai waxaana doorkaas loogu talo galay atiriishada caanka ah ee Kareena Kapoor waxaana la rabay in iyada iyo Hrithik Roshan Filimkaan kusoo caan baxaan.

Rakesh Roshan aad ayuu ujeclaa Kareena iyadoo yar ayuuna qorsheyay in iyada iyo Hrithik hal Filim iskula soo caan baxaan waliba uu isaga u sameyn doono balse siduu rabay ma dhicin ugu dambeyna wuu ka saaray Kaho Naa Pyaar Hai waxuuna ku bedelay Ameesha Patel oo iyadana Bollywoodka inee soo gasho rabtay.

Hadaba 14 bishaan Janaayo mashruucan ayaa u dabaal dagaayey 20 sano inee kasoo wareegatay daawashadiisa munaasabadaas ayuuna Rakesh Roshan shaaca kaga qaaday sababtii kaliftay in Bebo lagu bedelo Ameesha Patel isagoo wargeyska Quint la hadlaayana waxuu yiri.

“Kareena hooyaded Babita oo aan xushmad weyn u hayo ayaa usabab ahed in Kareena lagu bedelo Ameesha Patel sababtana waa inee howsheena soo faragashaneysay marwalba anagana waan u dulqaadan weynay arinkaa.”

Rakesh Roshan Blames Kareena's Mom

“Tusaale waxay leedahay hees hader yaan la duubin gabadheyda diyaar ma aha muuqaalada kale hala duubo anigana waxaan kudhahay sidaa ma ahan Babita hees ayaan duubeyna hader jadwalkeena ayaa sidaas ah ee adiga isdaji gabadhaada waxba kama halaawayaan wax walbo anagaa bareeno.”

Director-ka Filimka Koi Mil Gaya oo hadalkiisa sii wato waxuu yiri,” dhowr jeer ayaan ku muranay aniga iyo Babita goobta Filimka aan ku duubeynay marba wax ayee igu qabsaneysay sida ine iyada tahay Director-ka Filimka oo kale xumaan kalena kama aysan ahen iyada ee gabadheeda unbee wax fiican la rabtay maadama Fanka ay ku cusbeed.”

Rakesh oo go’aan ku gaaray inuu Kareena Filimka kasaaro:

Waxuu yiri Rakesh oo ka hadlaayo go’aankiisii kama dambeysta ahaa,”markii aan u dulqaadan weynay Babita oo si joogto ah howsheena usoo faragashaneysay maalintii dambe waxaan kudhahay dhageyso Babita waxaan nahay dad asaxaab ah mudo sanado badana aqoon isku leh ma doonaayo khilaaf kale inuu na dhexmaro waxaan jeclaan lahaa inaa wada shaqeynteena halkaas kujoogsato si xushmadaa isku heyno udhamaanin weyna igu raacday go’aankaas sidaas ayaana Kareena filimka kaga saarnay shaqada Filimkana u joogsatay.”

Rakesh Wasn't Very Impressed With Babita's Idea

Qaabkii Ameesha Patel Filimkaan door oga heshay booskii Kareena na ku gashay:

Waxuu yiri Roshan isagoo isla wareysigan ku sharaxaayo qaabkuu kula kulmay Ameesha Patel,”waxaan ka qeyb galay aroos la igu casuumay halkaasna aan kula kulmay saaxiibkeyga aan iskuulka isla dhigan jirnay Amit Patel waxaana la socotay gabar uudhalay oo qurux badan waana Ameesha Patel.”

How Did Ameesha Come On The Board?

“Markuu ibaray gabadhiisa ayaan suaalay oo weydiiyay inee xiiseyso atiriishonimo waxayna iisheegtay fursadaas hadee somarto inee horey ka aqbaleyso kadib gurigeyga ayaan ku casuumay maalin markee timidna iyada iyo Hrithik ayaa is agfariisiyay bal sidee isku yihiin maalintaas ayaana gareystay inee aad iyo aad isugu nuurayaan shaashad ahaan isla markiiba Ameesha wey saxiixday Filimka ine sameyso.”

Rakesh ayaa hadalkiisa intaas kusoo gaba gabeyay saxiixa Ameesha taariikh ayaa ka dambeysay iyo wacdarihii Kaho Naa Pyaar Hai taariikhda ayaa marwalba xusi doonto dhanka kale Babita iyo Karisma Kapoor ayaa ka dambeyaan in Kareena Filimkaan laga saaro waayo waxay aaminsanaayen in Bebo shaashada door fiican Filimkaan laga siin doonin sido kalena waxay rabeen Filimkeeda kowaad door weyn inee ku lahaato hadal heyntana la wareegto guul taariikhi ahna u gaaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here