Rakesh Roshan waa filim sameeye laga dambeeyo aabana u ah Superstar Hrithik Roshan balse 70-maadkii iyo 80-maadkii wuxuu ahaan jiray atoore Bollywood-ka caan ka ah saaxiib dhowna waxay ahaayeen Superstar Rishi Kapoor oo shalay geeriyooday asigoo 67-jir ah kadib markii mudo labo sano ah xanuunka kansarka haayay.

Filim sameeye Rakesh Roshan wuxuu ka dhawaajiyay in saaxiibkiis Rishi Kapoor xaaladiisa aad uga war haayay marwalbana uu kaga digi jiray caafimaadkiisa inuu ku dadaalo iskana dhaafo wax walbo uu sahal sanaayo iyo muhiim inuusan u arkin ku dadaalista caafimaadkiisa waana arin dadka ku cusub oo haatan mudane Rakesh Roshan banaanka soo dhigay.

Rakesh Roshan iyo Rishi Kapoor waxay saaxiibo ahaayeen ku dhawaad 45-sano wuxuuna Rakesh Roshan yiri “Markii ugu dambeesay aan la kulmay waxay ahayd 15-kii Maarso ee sanadkan waan wada casheenay. Kaliya waxaan ahayn Rishi, xaaskiisa Neetu iyo aniga waxaana wada sheekeesanay ku dhawaad sedex saacadood. Waxaana in badan ka doodnay caafimaadkeena.”

Rakesh oo isagaba kasoo kabtay xanuunka kansarka oo dhanka dhuunta kaga dhacay ayaa hadalka sii watay wuxuuna yiri “Aniga 100% waan kasoo kabtay xanuunkii i asiibay, wuxuuna Rishi i weydiiyay sababta aan shaqada ugu soo laabanin weli oo aan filim cusub u bilaabin. Waxaana u sheegay in ilaa bisha September aan sugaayo waana marka tijaabada ugu dambeyso aan maraayo, sidaa darteed shaqo ma bilaabayo ilaa aan jawaabta ugu dambeyso helo inkastoo 100% aan caafimaad qabo waxaana kuu sheegaa in wax walbo caafimaadka ka muuhimsan yahayn”

Rakesh Roshan wuxuu dhaliilsan yahay socdaalkii ama safarkii Rishi Kapoor Delhi ku aaday bishii Febraayo oo sababay inuu xanuunka kansarka kusoo laabto wuxuuna yiri “Labadeenaba kansar ayaa qabnaa inkastoo xanuunkeena kala duwan yahay wuxuu ii sheegay Chintu (Rishi Kapoor) inuu Delhi aadayo oo xaflad aroos ka qayb galaayo bishii Febraayo waan kaga digay inuu safarkaas galo madaama aan u nugul nahay infection-ka balse wuu iga diiday. Delhi ayuu aaday kadibna goobtii arooska ayuuba ku miir daboolmay. Markii aan dib u kulanay Chintu wuxuu ii sheegay inay fiicnaan laheyd taladeyda qaato oo safarkii Delhi ka baaqdo sidoo kalena uu galay qalad weyn oo caafimaadkiisa wax yeelo u geestay.”

Rakesh Roshan oo qiireesan ayaa xasuus hore dib noogu celiyay wuxuuna yiri “Markii kowaad waxaan isku baranay sameyntii filimkeenii Khel Khel Mein (1975) wixii markaas ka dambeeyay saaxiibo dhow ayaan noqonay si kasto oo aan mashquul u ahayn waxaa qasab ahayn todobaadkii sedex ama afar jeer inaan kulano markii dambe aan reer yeelaneyna waxaa joogto inoo ahayd marar badan inaan safar dalxiis wada aadnay aniga, isaga, xaaskiisa Neetu, wiilkiisa Ranbir, xaaskeyga Pinky iyo wiilkeyga Hrithik balse waa hubaal waqtigii wacnaa dib looma soo celin karo waana ka xumahay geeridii ku timid saaxiibkeygii qaaliga ahaa.”

Ugu dambeyntii Rakesh Roshan oo 70-jir ah wuxuu yiri “Aadban u dareemayaa cidlo daran madaama saaxiibkeey geeriyooday inkastoo geerida lama huraan tahay haddane Rishi Kapoor isagaa is dilay madaama marar badan aan kaga digay inuu caafimaadkiisa daryeelo wuxuu ahaa qof wax walbo la sahlan yihiin!”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here