Atiriishada caanka ah Rakul Preet Singh ayaa ka dhawaajisay inee ka heshay atooraha Sidharth Malhotra balse isaga uu ku mashquulay hablo kale iyadii hoos joogtayna uu daneen waayey tanina waxay dhacday xili xidigtaan la wareysanaayey.

Rakul waxa la weydiiyay hadii uu jiro atoore kamid ah kuwii ay la shaqeysay mid kamid ah xitaa waxyar inee ka heshay waxay tiri,”majiro hal atoore oo xiriir la sameeyay ama sheeko jaceyl qaas ah ina dhexmartay laga soo bilaawo Allu Arjun, Ram Charan, Mahesh Babu ilaa Sidharth Malhotra.”

“Dhamaan si nadiif ah ayaan ula shaqeeyay balse dadka ayaa igu xaman jireen xiliyo kala duwan Rana Daggubati iyo Sidharth Malhotra markii aan duubeynay Aiyaary aniga iyo Sidharth xan badan ayaa nalaga qoray.”

“Waxaa la qoray inaan aniga jeclaaday Sidharth balse isaga i daneynin oo gabdho kale ku mashquulay waan qoslay sheekooyinkaas markaa akhristay waxaan usheegay Sidharth oo kudhahay haye gabdhaha aad ku mashquushay inta iska dhaaftid aniga maa iisoo jeedsatid ha kaftan udhahay anigo ula jeeda akhriso xanta nalaga qoray.”

“Waan xusuusta maalinkaas sida uu u qoslay” dhanka shaqada xidigtaan waxay dhex dabaalaneysa guusha labadeeda Filim u dambeyeen ee kala ah De De Pyaar De iyo Marjaavan oo si dhaqsi ah ku guuleystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here