Atirishada caanka ah ee Koonfur Hindiya magac ku yeelatay balse haatan Bollywood-ka sal dhigatay Rakul Preet Singh ayaa qaaday talaabo naxariis weyn ku dheehan oo dowlada iyo shacab weynaha Hindiya ku amaaneyn madaama ay kafaalo qaaday in 200 ilaa 250 qoys daris la ah oo dan daran maalin walbo cunno usoo karin doonto inta Hindiya ka baxeyso xaalada bandowga lagu jiro ee Coronavirus-ka looga hortagaayo.

Rakul Preet Singh waxay dagantahay xaafada Gurgaon ee Mumbai ka tirsan waxaana daris la ah dad badan oo dagan guryaha carshaanta ah kuwaas oo nolol maalmeedkooda magaalka kasoo dhacsan jireen marka xaalka caadi ahaa. Madaama hadda la dhahay qof kasoo bixi karo ma jiro gurigiisa waxay Rakul iyo qoyskeeda maalin walbo diyaariyaan raashiin aad u badan oo ay gacantooda ku kariyaan kadibna waxay u qeybiyaan 200 ilaa 250 qoys oo daris la ah kuwaas oo carshaanta Mumbai ku nool.

Rakul waxay tiri “Aabaheey ayaa booqday guryaha carshaanta ee dadka tabarta daran dagan yihiin kuwaas oo daris nala ah wuxuu ogaaday in hal waqti xitaa raashiin ay cunaan inaysan heesanin madaama nolol maalmeedkii ay dhacsan jireen heli karin. Sidaa darteed waan is xilqaanay qoys ahaan 2 gelin ayaan raashiin u karinaa 200 ilaa 250 qoys oo daris dhow nala ah waxaana howshan samafalka ah wadi doonaa ilaa bisha April kasoo idlaaneyso kadibna xaalada ayaan qiimeyn doonaa.”

Rakul Preet Singh oo fariin dhiiri galin u direyso jilaayaasha kale waxay tiri “Inteena badan waxaan heesana guri iyo cuno nagu filan balse dadkeena kuwa liito xaaladan ma xamili karaan waxaana la joogaa xiligii aan is garab qaban laheyn waxaana ugu baaqayaa jilaa kasto inuu kaalintiisa qaato oo uu shacabka garab istaago waa waqtigii aan isku baahneyn.”

Dhinaca shaqada Rakul waxay filim lasoo wadaa Arjun Kapoor mashruuc aan magac loo bixinin oo John Abraham soo saare ka yahay, sidoo kale filimka Crack waxay lasoo wadaa John Abraham halka filim kale lagu magacaabo Thank God ay la jileyso Ajay Devgn iyo Sidharth Malhotra balse dhamaan howlaha aflaantan laga haayay wey hakadeen madaama Hindiya xaalad deg deg ah gashay sidii ay Coronavirus-ka kaga guuleesan lahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here