30-sano ayaa kasoo wareegatay markii Megastar Chiranjeevi iyo Superstar-dii geeriyootay Sridevi wada sameeyeen filimkii Classic ahaa ee Blockbuster-ka weyn noqday Jagadeka Veerudu Athiloka Sundari haatana waxaa la qorsheenayaa in mashruucan qayb labaad laga sameeyo.

Chiranjeevi wiilkiisa Mega Powerstar Ram Charan iyo Sridevi-dii geeriyootay gabadheeda Janhvi Kapoor ayaa la sheegay in filimka Jagadeka Veerudu Athiloka Sundari qaybtiisa labaad hogaamiyaal ka noqon doonaan waxaana fikradan wato Director Kovelamudi Raghavendra Rao oo qaybtii kowaad mashruucan sameeyay.

Sidoo kale filimka Jagadeka Veerudu Athiloka Sundari oo la daawaday 9-kii May 1990 waxaa door muhiim ah ku lahaa ruug cadaa Amrish Puri oo isagana geeriyooday sanadii 2005 welina lama sheegin jilaaga doorka Amrish gali doono balse wax walbo waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqi doonaa marka Hindiya bandowga ka baxdo noloshana caadi kusoo laabato.

Soo saare Ashwini Dutt ayaa la kulmay Ram Charan wuxuuna ka gaday fikrada ah filimkii aabihiis Chiranjeevi iyo Sridevi sida weyn looga amaanay in sheeko ahaan horey loo sii wado qayb labaadna laga sameeyo wuuna aqbalay Ram in xitaa Janhvi Kapoor filimkan lagu soo daro oo doorkii hooyadeed ku matashay mashruucan horey u amba qaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here