Mega Power Star Ram Charan ayaa ciwaanada fanka Telugu qaatay kadib markii uu u amba baxay dhankaas iyo keynta amd duurka gobolka Talenga si uu uu shaqo muhiim ah usoo qabto madaama Ram talaabo walbo uu qaado ciwaano laga sameeyo asigoo todobaadkii hore saxiixday filimka weyn ee aan magaca loo bixinin balse Director Shankar u sameenayo.

Haatan shabakadaha Koonfur Hindiya waxay daabacayaan inay ogaadeen in Ram Charan keynta ama duurka ka doonay si uu usoo duubo jadwal xasaasi ah oo uu ku leeyahay filimka Acharya waxaana hogaamiye ka ah aabihiis Mega Star Chiranjeevi waxaana filimkan la daawan doonaa Ciidul Fitrigaan ama 13 May 2021.

Director Koratala Siva ayaa sheegay in Ram Charan filimka Acharya ku matalaayo door awood badan oo loogu yeerayo Siddha wuxuuna garab siin doonaa aabihis Chiranjeevi oo doorka hogaaminta Acharya matalaayo sidoo kalena waxaa la ogaaday Ram in filimkan uu ku leeyahay qadar 30-daqiiqo ama nusaac ah oo sheekada udub dhexaad u ah sida hordhac ahaan loo ogaaday.

Filimka Acharya waxaa atirisho kowaad ka ah Kajal Aggarwal oo Chiranjeevi lamaantiisa ku jileyso halka Pooja Hedge iyadana door muhiim ah ku leedahay madaama Ram saaxiibtiisa ku mataleyso waxaana mashruucan soo saare ka ah Ram Charan waxaana duubistiisa lasoo gaba gabeyn doonaa todobaadka ugu horeeyo bisha April ee sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here