Filimka RRR waxaan horey idin kula wadaagnay inuu yahay mashruuca ugu weyn fanka Hindiya dhawaanahan sameeyaan madaama SS Rajamouli oo ku caan baxay Bahubali labadiisa qeybood mashruucan agaasimayo halka Ram Charan, Jr. NTR, Ajay Devgn iyo Alia Bhatt hogamiyaal ka yihiin qorshahana wuxuu yahay in la daawado 8 Janaayo 2021.

Waxaa horey shaaca looga qaaday in filimka RRR miisaaniyad sare u dhaafeyso 450 Crore ($59.55m) xambaarsan yahay waxayna lacagtaan inteeda badan ku baxeysaa tayeenta mashruucan oo la rabo si caalami ah in loo sameeyo sidoo kalena gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka meel walbo ka gadmi karo.

Waxaa hoos loogu daadagay kooxda filimka RRR muhiimka u ah sameyntiisa iyo mid walbo lacagaha uu qaadanayo waxaana daaha laga qaaday labada mashruucan hogaamiyaasha ka ah ee waqtiga ugu badan ku leh Ram Charan iyo Jr. NTR min 25 Crore ($3.30m) hormaris ah ku qaateen sameynta mashruucan sidoo kalena 5% faa’iidada filimkan marka tiyaatarka la saaro lacagaha laga helo ayaa lasiin doonaa.

Director SS Rajamouli oo soo agaasimay sheekada filimkan isagana wuxuu doortay nidaamka faa’iido wadaaga ah sidaa darteed 30% ayuu qaadan doonaa macaash walbo oo filimkan laga helo marka tiyaatarada la saaro.

Ajay Devgn oo hogaamiyaasha mashruucan ka mid ah balse doorkiisa kooban yahay inkastoo uu muhiim yahay isagana waxaa la sheegay jadwal 25-maalmood filimkan ku leeyahay sameyntiisa inuusan waxba ku qaadanin! Laakiin lama yaqaan go’aanka Ajay qaatay waxa ku hoos duugan in hadhow gadaal macaashka wax laga siin doono ama Director SS Rajamouli howlo kale mustaqbalka isla qaban doonaan sababtoo ah aduunyada ma jirto shaqo lacag la’aan lagu qabanaayo ama qado lacag la’aan la isku siiyo waa inay dan meesha jirtaa.

Ugu dambeyntii Alia Bhatt oo ah atirishada kowaad filimkan waxaa iyadana hormaris ahaan loo siiyay 9 Crore ($1.19m) balse gabadhan kuma qanacsano lacagta la siiyay inkastoo Director Rajamouli ku qanciyay inay tahay atirishadii ugu horeesay filim Telugu kasoo muuqato lacagtaan la siiyo madaama Anushka Shetty oo filim sameeyahan Babubali labadiisa qeybood u sameeyay la siiyay 5 Crore ($661k).

Waxaa lagu kalsoon yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan duubista filimka RRR loo amba qaadi doono todobaadka dambe madaama nolosha Hindiya si tartiib ah caadi ugu soo laabaneyso si filimkan jadwalka u harsan loo dhameestiro loona daawado 8 Janaayo 2021 waqtigii loo asteeyay mashruucan wey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here