Maxaa ka xiiso badan Mega Power Star Ram Charan inuu gacanta ku dhigay ama uu iibsaday filimka Tamil-ka ah ee dhawaan Blockbuster-ka noqday Asuran ee uu hogaamiye ka ahaa Dhanush siweyna fariintiisa looga helay.

Filimka Asuran waxaa Director ka ahaa Vetrimaaran weliba waxaa aad looga helay fariintiisii miyiga ku saabsaneyd kana hadleysid qabiilka iyo dabaqada sida la isugu faquuqo sidoo kalena saameyn xoogan ku leh saldanada siyaasada waxaana lala cajabay sida Dhanush marna ugu matalay wiil 25-jir ah oo dhiiga la saaxiib ah dadkana aan u nixin iyo door kale oo ah 40-jir waaya arag ah biseel badan ka muuqdo xal doon ah qayb ka noqday beeraleyda sidoo kalena rabo qabiilka iyo dabaqada dadka isku kala soocaan inuu meesha ka saaro.

Ram Charan oo noqday soo saare dhawaanahan ayaa haatan la sheegay inuu iibsaday xuquuqda filimka Asuran sidoo kalena asigoo Telugu ah sameyn doono weliba isaga ayaa hogaamiye ka noqon doono wuxuuna mashruucan ka hawl gali doonaa marka uu dhameeyo duubista filimka RRR oo ay Jr. NTR isla hogaaminayaan sidoo kalena SS Rajamouli uu Director ka yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here