Ram Charan, Suldaan Mahesh Babu, Stylish Star Allu Arjun, Superstar Vijay iyo wararkii ugu dambeeyay koonfur India.

0
1242

Ram Charan oo kalsooni weyn ku qabo filimka Sye Raa Naarsimha ee aabihiis Chiranjeevi hogaamiye ka yahay isagana soo saare ka yahay sida Bahubali oo kale inuu Hindiya u qabsan doono marka tiyaatarada la saaro 2 October 2019.

Suldaan Mahesh Babu filimkiisa Sarileru Neekevvaru duubistiisa ayaa gabo gabo ku dhow wuxuuna ku matalaa militari mayal adag ayadoo la daawan doono 10 Jan 2020.

Stylish Star Allu Arjun ayaa diidan filimkiisa Ala Vaikunthapuramlo (AV) inuu dib u dhigto madaama 10 Jan 2020 Mahesh Babu calaameestay balse feestada Sakranthi Allu Arjun inuu Mahesh u dhaafo ma rabo inkastoo filimkiisa AV 50% duubis u harsan tahay.

Kalyanram oo filimkiisii ugu dambeeyay 118 HIT noqday ayaa isagana ku dhawaaqay in filimkiisa xiga Entha Manchivaadavuraa la daawan doono 15 Jan 2020.

Ajith Kumar ayaan xiiseeneyn dib u sameynta filimka Article 15 oo Tamil ah wuxuuna jeclaan lahaa atoore dhalinyar sida Ayushmann Khurrana oo kale loo dhiibo.

Superstar Rajinikanth iyo Suniel Shetty ayaa muuqaalo kale Action ah ku duubi doonaan magaalada Mumbai maal maha nagu soo fool waxaana la dhisay meel Action kan filimka Darbar ku jiro lagu duubayo qorshahana wuxuu yahay filimkan weyn 10 Jan 2020 in la daawado.

Superstar Vijay ayaa filimka Bigil ku matalaayo macalin iyo cayaaryahan kubada cagta ama labo door wiil iyo aabihiis waxaana mashruucan la daawanayaa 25 Oct ama Diwali 2019.

Suriya filimkiisa Kappaan ayaa ganacsi wanaagsan sameenayo wuxuuna keenay 52 Crore ganacsigiisa dibad iyo dal mudo sedex maalmood ah waxaana lagu qarash gareeyay 75 Crore filimkan Tamil ka ah.

Qodobkee ka heshay? Fikirkaaga ka dhiibo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here