RAMADAAN KARIIM: Dhamaan Akhristayaasha Shabakadda Filimside, Meel Walba Oo Aad Joogtaan

Marka hore Salaamu Caleykum Warmatulaahi Wabarakaatuhu, Dhamaan aqristayaasha qiimaha iyo qayaaha leh ee Filimside ku xiran meel walbo oo aad caalamka ka joogtaan.

Shabakada Filimside waxay idin kugu hambalyeeneysaa bisha barakeesan ee Ramadan oo inoo bilaatay sidoo kalena qeyrkeeda Allaha na faajiyo.

Fariin Muhiim Ah: Shabakada Filimside sidii aad kaga barateen bisha Ramadaan aqbaaraadka ay idiin soo gudbin jirtay wey sii wadi doontaa.

Balse waxaan gabi ahaanba joojin doonaa sawirada aan indhaha u rooneyn anagoo waligeen aqlaaqiyaadka ilaalin jirnay haddana bishan barakeesan kuma sii jirto sawirada atirishooyinka timaha banaanka iyo kuwa aan wanaagsaneyn masoo gudbin doono.

Sidoo kalena dhamaan aqristayaasha qiimha badan waxaan ka codsan laheyn inaysan shabakada isku aflagaadeynin qoraal ahaan anagoo marwalbo ku dadaalno in qoraalada ama fikradaha anshax ahaan aan wanaagsaneyn bulshada gaaraan.

Gunaanad: Waxaan idinka rajeyneynaa inaad nala qaadan doontaan fariinta aan idinla wadaagnay sidoo kalena dhamaan shaqaalaha Filimside waxaan ka rajeynaa in fariintaan hirgalin doonaan.

4 Comments

  1. Waan Idiin Salamaya Dhamaan Bahda Filimside Waana Idiinkugu Hambalyeenaa Bisha Barakeeysan Ee Ramadaan Oo Inoo Curatay Iyo Dhamaan Asxaabta Ku Xiran Oo Halkaan Saaxibaha Ku Nahay Fs………

Comments are closed.