Atooraha caanka ah ee Telugu ka tirsan Rana Daggubati ayaa banaanka soo dhigay xaaladiisa caafimaad iyo marxaladaha adag uu soo maray, kani waa mid awood badan dhanka shaashada sidoo kalena qof walbo kaga yaabsaday doorkiisii laadarka ahaa Bhallaladeva ee uu filimka Bahubali 2 labadiisa qeybood ku matalay siweyna loogu amaanay.

Balse Rana wuxuu ka qayb galay asiga iyo Director Nag Ashwin barnaamij mada daalo ah sidoo kalena xaqiiqooyin dhab ah looga hadlo dhanka TV-yada laga daawado waxaana xariiriye ka ah Samantha Akkineni atirishadan iyadana fanka Telugu ka tirsan waxaana barnaamijkan lagu magacaabaa Sam Jam waana barnaamij siweyn loo jecel yahay oo dadka caanka ah lagu casuumo.

Rana waxaa wax laga weydiiyay xaaladiisa caafimaad madaama sanadkii hore miisaan fara badan xidigan ka dhacay sidoo kalena u ekeeday sida qof macluul ku dhacday oo jiro aad u daran heyso. Rana wuxuu yiri “Tan iyo markii aan dhashay dhiikar ayaan qabay ama dhiigeyga marwalbo sare ayuu u kacaa sidoo kale dhaqaatiirta waxay ii sheegeen inaan qabo xanuuno daran sida in wadnaheyga xididadiisa qeybo ka mid ah kalshiyoomka ku badan yahay taasi oo dhaq dhaqaaqa dhiiga xireyso sidoo kalena kilyaheyga si joogto ah uma shaqeen jirin. Waxay kaloo dhaqaatiirta ii sheegeen in 70% u badan tahay dhiiga halmar igu kaco qatar badana galo sidoo kalena ay jirto 30% fursad aan ku dhiman karo ama ku geeriyoon karo!”

Samantha ayaa la ilmeesay Rana oo markii uu ka hadlaayay xaaladiisa caafimaad isagana ilmada ka qubaneesay waxayna sheegtay Samantha in Rana yahay geesi dhab ah sidoo kalena dadka ay wax ka sheegayeen xaaladiisa ayagoon ka warqabin waxayna sheegtay inay indhaheeda ku aragtay sida uu Rana geesi i yahay xanuun walbana uu kaga soo kabtay.

Dhinaca shaqada Rana waxaa u diyaarsan filimka Aranya oo la daawan doono todobaadka ugu horeeyo bisha Janaayo 2021 wuxuuna ku matalaa nin 50-jir ah oo duurka ama keedka ku ilaaliyo maroodiyaasha si uu doorkan uga run sheegana xaaladiisa caafimaad ayuu halis galiyay madaama 30% uu miisaankiisa dhimay. Noloshiisa gaarka ah Rana wuxuu guursaday gabadha lagu magacaabo Miheeka Bajaj bishii August ee sanadkan waana xiligii Hindiya bandowga ka jiray saameynta karoonaha awgeed ayuu Rana magaalada Hyderabad ku aqal galay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here