Walee sanadkaan 2020 wacdarihiisa ayuu wataa waxyaabo badan oo xiiso leh inee dhacaan ayaa la filaa asaxaabta Bollywoodka kuxiran waxaan idiin sheegeynaa in 12-lamaane ee shaashada 2020 la daawan doono kuwaaso waligood wada shaqeynin.

Markaan leenahay lamaane kama wadno lamaanayaasha nolosha dhabta ah ee waxaan ula jeedna lamaanayaasha shaashada ileen atoorayaal iyo atiriishooyin aan horey uwada shaqeyn ayaa shaashada 2020 jaceyl kuwadaagi doonaa marka waa lamaanayaasha shaashada kuwooda isku cusub balse waxaa dhici karaan qaarkood ine lamaane dhab ah yihiin sida Ranbir iyo Alia.

Deepika Padukone iyo Vikrant Massey: waa markii ugu horeysay ay shaashada jaceyl kujilaan waana lamaanayaal cusub dhanka shaashada 10 Jan 2020 ayee la imaan doonaan Filimkooda Chhapaak.

Aditya Roy Kapur iyo Disha Patani: xidigahan ayagana markii ugu horeysay ayee jaceyl shaashada kujili doonaan waxayna 7 Feb 2020 soo wataan Filim lagu magacaabo Malang.

Kartik Aryan iyo Sara Ali Khan: nolosha dhabta ah ayaa la isku xantaa inee lamaane yihiin balse 14 Feb 2020 ayee noqon doonaan lamaanayaasha shaashada maadama Filimkooda Aaj Kal la imaan doonaan.

Rajkumar Rao iyo Jhanvi Kapoor: xidigahan markii ugu horeysay ayee shaashada jaceyl ku jili doonaan waxaana u qorsheysan Filimka Roohi Afza ee la daawan doono 17 April 2020.

Varun Dhawan iyo Sara Ali Khan: waa lamaane kale oo shaashadaha ah kuwaaso isku cusub lana daawan doona bandhigooda 2020 waxay 1 May la imaan doonaan Filimka Cooli No.1 oo dib loo sameynaayo.

https://www.instagram.com/p/B3tyfCqhrDs/?utm_source=ig_embed

Akshay Kumar iyo Kiara Advani: xidigahan Good Newwz ayee iskala soo muuqdeen balse lamaane kuma aysan jilin marka Laxmmi Bomb oo Ciida Fitriga la daawan doono ayee lamaane kujili doonaan waana mashruuca Tamil-ka ah ee Kanchana dib u sameyntiisa.

Ananya Panday iyo Ishaan Khattar: caruur caruur kudaa waaye sheekada waa atoore iyo atiriisho aad uyar misane rabaan inee shaashada jaceyl kujilaan 2020 lamaanayaasha la sugaayo ayee kamid yihiin 12 June ayee la imaan doonaan Filim lagu magacaabo Khaali Peeli.

https://www.instagram.com/p/B1sbyv5A5xV/?utm_source=ig_embed

Kartik Aryan iyo Kiara Advani: Filimka Bhool Bhulaiya 2 ayee lamaane shaashada ah ku jili doonaan kaaso la daawan doono 31 July 2020 waana markii ugu horeysay ay wada shaqeyaan.

Shahid Kapoor iyo Mrunal Thakur waa xidigo markii ugu horeysay shaashad jaceyl ku wadaagayaan Filimka Jersey oo la daawan doono 28 Aug 2020 ayaa lagu sugayaa wacdarahooda.

Akshay Kumar iyo Manushi Chhillar: gabadha koobka quruxda qaaday markii ugu horeysay ayee Bollywood qeyb ka noqoneysa waxayna shaashada jaceyl kula wadaagi doontaa Akshay Kumar Filimka Prithviraaj ee la daawan doono 13 Nov 2020.

Ranbir Kapoor iyo Alia Bhatt: waa lamaane nolosha runta ah hadana markii kowaad ayee noqon doonaan lamaanaha shaashada ayago jaceyl ku jili doonaan Filimka Brahmastra ee xaggaagga 2020 la daawan doono.

https://www.instagram.com/p/Bvg-LwHlf9F/?utm_source=ig_embed

Ranver Singh iyo Shalini Pandey: Filimka Jayeshbhai Jordaae ayee jaceyl kujili doonaan waana xidigo isku cusub wada shaqeyn ahaan mana la oga bisha la daawan doono mashruucan.

https://www.instagram.com/p/B5o4qCdBB_N/?utm_source=ig_embed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here