Mudo badan ayaa la sugaayey in waqti laga helo dhanka Ranbir Kapoor iyo Deepika Padukone si ay u bilaawato duubista Filimkooda xiga ay ku midoobi lahaayen kaaso Luv Ranjan Director ka yahay.

Hader waxaa la ogaaday xidigahan iyo Director-kaba inee ku heshiyeen duubista Filimkaan inee bilaawato Febraayo 2020 wixii intaas ka horeeyana mid walba min 2 Filim ayuu ku mashquulsanaanan.

FIlimkaan waxaa la sheegay inuu yahay mashruuc jaceyk iyo shactiro isku dhexjirta ah xiiso weyna yeelan doono balse daawadayaasha waxay kaliya xiiso u qabaan dib u wada shaqeynta Ranbir iyo Deepika oo mudo 4 sano wax Filim ah sameeynin.

Bachna Ae Haseeno, Yeh Jawaani Hai Deewani iyo Tamasha ayee wada sameyeen waxaana la filaa in Filimkooda 4-aad 2020 la daawan doono dhanka kale Deepika hader waxay ku mashquulsantahay Filimada chhapaak iyo 83.

Halka Ranbir ku mashquulsan yahay Shamshera iyo Brahmastra mid walba markuu howlaha mashaariicdan soo dhameeyo ayee Feb isku imaan doonaan kana howl gali doonan Filimkooda xiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here