Waxaan horey idin kula wadaagnay Director Luv Ranjan oo looga haray sameynta filimada jaceylka reer magaalka loogu tala galay inuu isku keenay labada awooda badan ee la isku raadinayay inay shaashada kasoo wada muuqdaan Ranbir Kapoor iyo Shraddha Kapoor sidoo kalena mashruucan horaantii sanadkan ayay shaqadiisa bilaabeen.

Filimkan aan magaca loo bixinin markii hore qorshaha wuxuu ahaa in Ranbir iyo Deepika wada sameeyaan balse Deepika ayaa ka mashquushay waxaana lagu badalay Shraddha waxayna duubistiisa la bilaabatay magaalada Delhi bilawgii sanadkan sidoo kalena Boney Kapoor iyo Dimple Kapadia ayaa doorar muhiim ah ku leh filimkan xiisaha badan.

Shraddha Kapoor ayaa Mumbai kusoo laabatay waxayna baraha bulshada kusoo qortay “Waxaan soo gaba gabeenay jadwalka duubista cajiibka badnaa, waxaa la joogaa waqtigii aan guriga kusoo laaban lahaa.” Sidoo kalena waxaa la sheegay in Ranbir Kapoor kasoo haray Shraddha si jadwalka filimkan waxyar dhankiisa ka harsanaa usoo gaba gabeeyo wuxuuna Mumbai kusoo laaban doonaa 7-bishan Febraayo.

Director Luv Ranjan ayaa sheegay in mudo bil ah shaqada filimkan laga nasan doono kadibna qorshaha yahay horaanta bisha Maarso ee nagu soo fool leh markale inay Delhi kusoo laabtaan si jadwalka labaad mashruucan loo amba qaado. Filimkan qorshaha wuxuu ahaa Spain in la aado jadwalka labaad bisha Maarso balse hadda cabsida karoonaha oo Yurub ka jirto iyo socdaalka dunida oo aan sidii hore ahayn kooxda filimkan shaqada duubista gudaha Hindiya ayay kasii wadi doonaa ilaa xaalada kasoo hagaageyso.

Filimkan aan magaca loo bixinin waxaa la qorsheenaa in qaybaha dambe ee sanadkan la daawado sidoo kalena waa filimka u shaashada kusoo gali doono ruug cadaa Boney Kapoor oo waligiis filim soo saare ahaan jiray hadda wuxuu tijaabin doonaa nasiibkiisa dhanka jiliinka madaama filimkan door muhiim ah ka qaan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here