Jilaaga caanka ah Ranbir Kapoor maalmahan waxaa lala daba socdaa Troll aan caadi aheyn isaga iyo qoyskiisaba mid mid ayaa loo dhaleceynayaa maqaal kan ka horeeyay waxaan idiin kula wadaagnay sida isaga iyo saaxiibtiis Alia Bhatt loogu karbaashay baraha bulshada maalintii tacsida Rishi Kapoor socotay.

Hadaba labadii maalmood u dambeysay Ranbir dhaleeceyn xooggan ayuu la kulmay qoraalada baraha bulshada dhex mushaaxayaan ee dadka hinduga ah Ranbir kaga soo horjeedaan ujeedkiisa ayaa ah in Ranbir guri gooni ah kula noolyahay Alia Bhatt.

Intuusan Rishi geeriyoon kahor Ranbir iyo Alia guri gooni ah ayee ku noolaayen mudada bandowga hindiya ka jiray ee Coronavirus laga cabsi qabay hadaba markuu Rishi geeriyooday kadib Ranbir waxaa laga filaayey inuu hooyadiis lasoo dagi doono halkaasna ku wehelin doono hooyadiis iyo walaashiis murugadana la qeybsan doono balde midaas ma dhicin ee guriguu ku noolaa ayuu ku noqday markuu waajibaadka tacsida gutay.

12 May isaga iyo Alia Bhatt ayaa guriga imaadeen oo Neetu iyo Raddhima waqti la qaateen maadama duco guriga ka jirtay oo Rishi Kapoor loogu talo galay qaar kamid ah taageerayaashiisa iyo dadka arimaha Bollywoodka ka hadlaan hadalada soo noqnoqda ay dhaheen waxaa kamid ah.

“Ranbir markii horeba isaga iyo aabihiis xiriirkooda ma fiicneen labiskuu tacsida ku yimidna waan aragnay murugo badana kama muuqan inuu hooyadiis guriga lasoo dagi waayo lama yaabeyno.”

Ku kale waxuu yiri,”adigu hooyadaa ayaad sifiican u jecled Ranbirow maxaa kugu dhacay maa hooyadaa la joogtid mudsda tacsida iyo murugada socoto koley nin xaasle matihid waxaan kuugu baaqayaa inaad hooyadaa lasoo dagto.”

Gabarba hadashay oo tiri,”walaasha Raddhima naxariis kuma gaartid Ranbir sababto ah iyadoo haween ah ayee Delhi katimid misane reer leh ayee hooyaded la joogga waqtigaan murugadana la qeybsaneysa adna adoo Mumbai la dagan ahaad hadana qof shisheeye oo kale hooyadaa ka fogtahay intaa la joogi lahed habeen iyo maalin murugadana ka baabi’in laheed.”

Qoraalada Ranbir lagu canaantay tiro maleh intana kuma soo koobi karno adiga maxaa fikir ahaan ka dhiiban laheed Ranbir makula khaldanyahay xaaladan adag hooyadiis inuh ka fogaado maxaa ku kalifi karo inkastoo ducooyinka uu joogay hadana labo guri ay kala dagan yihiin ayaa lagu heystaa jilaagan mudada xaalada murugads lagu jiro hadhow dambe haa markee wax walbo dhamaadasn oo Rishi Kapoor la iska ilaawo dhib maleh inuu gurigiisa goonida ahaa ku laabto ka Filimside ahaan hadaan u hadalno waana khaldanyahay wiilka reer Kapoor ku faanaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here